Sign in to follow this  
General Duke

Min Xasan Dhimbil visits jails+ request Horn Afrik to bring proof audio...

Recommended Posts

bolissomali2.jpg

Boliska Oo Digniin U Diray Idaacadda Maxliga Ee Horn-Afrik

 

Muqdisho(Calanka.com) 24-Luulyo-2007

 

Dhageyso Taliska BoliskaOo Digniin U Jeedinaya idaacada Maxliga ee H/Afrik

 

Taliska bolisk gobolka Banaadir ayaa digniino iyo eedeymo iswata u diray mid ka mid ah idaacadaha maxliga ee ka howlgala mgaalada Muqdisho, taasoo sida uu bolisku sheegay ka been abuuratay ilaalada xabsi ku yaal magaalada Muqdisho oo ey sheegeen in ey laaluush weydiisteen hooyo wiilkeeda lasoo xiray.

 

Idaacadan Horn- Afrik oo lagu eedeynayo in ey maanta sii deysay wararkan been abuurka ah ayaa loogu baaqay in ey sida ugu dhaqsiyaha badan ugu soo gudbiso boliska cadeymo la xiriira warka ey sii deysay iyo in ey keenaan xafiiska boliska hooyadii ey wareysteen oo ey ku sheegeen in ey bolisku weydiisteen kunka dollar oo laaluushka ah.

 

Taliska boliska oo arintan aad uga carooday ayaa sheegay in idaacadan ey meel uga dhacday sharafta bolsika isla markaana ey doonayaan in ey shacabku ka kalsooni baxaan ciidamada boliska ee ku kala sugan isteeshinada gobolka Banaadir.

 

Idaacadahan maxliga ah oo u badan kuwa ey si gaar ah u leeyihiin shaqsiyaad mucaarad ku ah dowladda ayaa had iyo goor baahiya oo kaliya waxyaalaha nagative ka ama lidka ku ah dowladda, waxaana dhowr jeer albaabada loo laabay kadib markii ey baahiyeen warar iska horkeenaya shacabka iyo dowladda federalka.

 

Idaacadahan ayaa tan iyo markii xoriyadooda dib loo siiyay lagu wargaliyay in lala xisaabtami doono lana socon doono wararka ey baahiyaan, hadii war xaqiiqda ka baxsana ey baahiyaan ey masuuliyadeeda qaadi doonaan.

 

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this