Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuska sanad guurada milateriga Somaliland oo sanadkaan baaqday + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
Ciidamada-Somaliland-.jpeg?fit=2048%2C13

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxaa gebi ahaanba baaqatay munaasabadda sanad-guurada Ciidamada Milateriga Somaliland, oo sanad kasta lagu qaban jiray gudaha Somaliland.

Sanad-guurada sanadkaan ayaa ku beegnayd 2-dii bishaan, taasi oo keentay in la isweydiiyo sababta ay xukuumadda Somaliland u qaban xuskaan, oo ay ku soo bandhigi jirtay cududeeda ciidan.

Xisbiga mucaaradka ee Waddani ayaa xukuumadda ku eedeeyay in baaqashada munaasabadda ay tahay fashil ku yimid xukuumadda uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi.

“Faanka Ina Kaahin (wasiirka arrimaha gudaha) iyo 32 sannadoo ka bacdi in ay tahay markii ugu horaysay ee la qaban waayay xuska Ciidanka Qaranka, waa su’aal wayn oo ay tahay in uu iswaydiiyo,” ayuu yiri Afhayeen Maxamed Faarax Cabdi.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa in uu maanka ku hayo in ay Somaliland xasuusan tahay sababta munaasibada Ciidanka Qaranka loo qaban waayay xuskooda.”

Waxaa la rumeysan yahay in baaqashada munaasabadda xuska sanad-guurada Ciidamada Milateriga ay la xiriirto jabkii ciidanka kasoo gaaray dagaalkii Laascaanood ee sanadkii tegay ee 2023-ka.

Xukuumadda Somaliland oo dhankeeda ka jawaabtay eedeynta mucaaradka ayaa ku andacootay in munaasabaddaha mararka qaar dib loo dhigi karo, islamarkaana aanay wax dhibaato ah ku jirin.

“Shalay Jimce ayay ahayd, waana maalin cibaado. Munaasabaddaha qaranka, dibna waa loo dhigi karaa oo horayna waa loo soo dhigi karaa, waana laga maarmi karaa wax mushkilad ahi kuma jirto,” ayuu yiri wasiirka xidhiidhka golayaasha Cabdinaasir Buuni.

Marka laga yimaado hadalka Buuni, xukuumadda Somaliland wax faah-faahin kama bixin sababta ay u baaqatay munaasabadda xuska ciidanka.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in madaxweyne Muuse Biixi uusan sanadkaan wax hambalyo u dirin ciidanka, oo la xiriirta xuska sannad-guuradooda.

The post Xuska sanad guurada milateriga Somaliland oo sanadkaan baaqday + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this