Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliyeyaasha Milateriga Somalia iyo Uganda oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Kampala + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   
426254446_864165102416764_89159610329161

Kampala (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin oo ku sugan waddanka Uganda ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Milateriga Uganda Gen, Wilson Mbadi.

Labada Taliye ayaa ka wada-hadlay iskaashiga iyo xoojinta wada-shaqeynta labada dal, sida lagu yiri bayaan laga soo saaray kulankaan.

Dowladda Uganda ayaa ballan-qaaday in Soomaaliya ay garab milateri ka sii doonto dagaalka ka dhanka ah dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab, xilli uu dhawaan bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.

Taliye Ibraahim Sheikh Muxudiin iyo Taliyaha ciidamada Milateriga Uganda Gen. Wilson Mbadi ayaa si wada-jir ah u dul istaagay in la kordhiyo howl-gallada wada-jirka ah ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

“Dowladda Uganda waxay diyaar u tahay garab istaaga iyo taageerada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, oo wada guluf lagu cirib-tiraayo Khawaarijta arxanka daran.”

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka XDS ayaa booqday Kuliyadda Difaaca Qaranka Uganda, oo si weyn loogu soo dhaweeyay wuxuuna kula kulmay saraakiisha Milateriga dalkaas.

Uganda ayaa kamid ah dalalka ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo qeyb ka ah howl-galka ATMIS (ex-AMISOM) oo iyagu dowladda ka taageeraya sugida amniga.

425722865_864164975750110_56503953857746

426323731_864165025750105_20116835400990

426269828_864165045750103_26166569708860

425734481_864165072416767_63508674362738

426254446_864165102416764_89159610329161

The post Taliyeyaasha Milateriga Somalia iyo Uganda oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Kampala + Sawirro appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this