Sign in to follow this  
General Duke

Hypocracy: of clan courts, illegal houses demolished

Recommended Posts

Guri uu ka dhisanayay xeradii Naadiga Gaadiid Badroolka Wiil la dhashay Sheekh Xasan Dahir Aweys oo Dowladda bilawday inay dhulka dhigto.

 

June 13. 2007 Radiofreesomalia.com

 

 

 

Isbedelada dhanka nadaafada ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ugu horeeya Qashinka iyo guryaha qaaducul dariiqa ah " guryaha sida sharcidarada ah loogga dhistay dariiqa " ama aan cabirka lahayn.

 

Dad badan ayaa soo dhaweeyay tallaabada dowladda ka qaadayso dadka sida sharci darada u dhistay goobaha danta guud,iyadoo dhismiyaal fara badan oo laga dhisay waddooyinka waa weyn ee Magaalada Muqdisho kol hore la burburiyay,waxaase isha lagu haayay maalmihii ugu dambeeyay Sar ama Guri weyn oo laga dhisayay xaruntii Naadiga Badroolka ee ka soo horjeeday Hotelkii ku dhex yiilay Garoonka Kubadda Cagta Stadio Muqdisho.

 

 

Gurigan oo uu dhisanayay Wiil la dhashay Sheekh Xasan Dahir Aweys oo lagu magacabo Dr Cubeyd Dahir Aweys waxaa dhismihiisa la bilaabay xilligii Maxkamadaha Islaamiga, hase ahaate markii dagaalada ka dhaceen Magaalada Muqdisho bilihii Marso iyo Apriil ayaa Guriga waxaa dagaaladaas ka soo gaaray dhaawacyo yar yar, wuxuu bilaabay milkiilihii Guriga in mar kale dib u dhiso, balse waaberigii saaka ayaa Ciidamada Dowladda Federaalka waxay tageen goobta Guriga laga dhisayay, iyagoo amar ku bixiyay in guriga la burburiyo.

 

Isla xeradaas waxaa Guriga ka dhistay Enj C/qaadir Eenow oo ka mid ah Ganacsatada waa weyn ee Magaalada Muqdisho, waxaana jirta in inta badan Ganacsatada muqdisho ay dhisteen goobaha danta guud iyo meelo aan macquul ahayn.

 

Isgoyska Sanca ayaa mar sii horeysay waxaa laga burburiyay guriyo fara badan oo halkaasi ka dhistay nin lagu Magacabo Macalin Makaraan kuwaas oo geeska ku haayay Hotelka Panorama ee Magaalada Muqdisho.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guri uu ka dhisa nayay xeradii Naa diga Gaadiid Badroolka Wiil la dhashay She ekh Xasan Dahir Aweys oo Do wladda bilaw day inay dhulka dhigto, waxaa ay shacabka la yaabeen Fala lka dhul boobka ay hogaankii Maxkamadaha ku ka cayeen ama ay horseedka ka ahaayeen Maxdii

Occupaying large tracks of countryside, and now exposed building on Public property. :D

 

Isgoyska Sanca ayaa mar sii horeysay waxaa laga burburiyay guriyo fara badan oo halkaasi ka dhistay nin lagu Magacabo Macalin Makaraan kuwaas oo geeska ku haayay Hotelka Panorama ee Magaalada Muqdisho.

Who builds in the middle of a road junction. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this