Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Saciid DENI oo u dhaqaale aruursanaya doorashada DF xilli ay Puntland….

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni.jpeg?fit=1425%2C1250&ssl=1

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo horraantii sanadkaan dib loogu doortay madaxtinimada Puntland, ayaa durba bilaabaya u diyaar-garowga doorashada Soomaaliya ee sanadka 2026-ka.

Saciid Deni iyo xukuumadiisa ayaa gelaysa laba sano oo dhaqaale urursi ah, si loolan adag ugu galaan doorashada madaxtinimada Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo ka agdhaw Madaxtooyada.

Xogta ayaa sidoo kale tilmaamaysa in Madaxweyne Deni mar kale u sharraxan yahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo uu laba jeer oo hore ku guul-daraystay, ayada oo la rumaysan yahay in uu dhaqaale xooggan ku bixiyay.

Doorashadii hore ee Soomaaliya iyo doorashadii maamulka ee Janaayo ee mar kale dib loogu doortay Saciid Deni ayaa la rumeysan yahay inay hore saamayn ba’an ugu geysteen dhaqaalaha maamulka Puntland.

Qorshaha Deni ee damaca xilka u sarreeya dowladda federaalka Soomaaliya ayaa laga cabsi qabaa in uu sagxada geeyo dhaqaalaha maamulka oo markii horeba laga deyrinayay.

Arrimahaan ayaa sidoo kale imaanaya xilli inta badan mashaariicdii laga fulin jiray deegaannada Puntland ay ku xaniban yihiin dowladda dhexe kadib markii uu saameeyay khilaafka Saciid Deni iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Si kastaba, Saciid Cabdullaahi Deni oo lagu tilmaamo inuu yahay sameeye siyaasadeed oo cabqari ah ayaa 8-dii bishii tegtay noqday qofkii ugu horreeyay ee laba jeer loo doorto xilka hoggaamiyaha maamulka Puntland.

The post Xog: Saciid DENI oo u dhaqaale aruursanaya doorashada DF xilli ay Puntland…. appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this