General Duke Posted January 28, 2009 SL oo diiday shirka Jabuuti 27 Jan 27, 2009 - 8:23:08 PM Wasiirka arimaha dibada ee Somaliland C/llaahi Max'ed Ducaale oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuusan maamulkooda quseyn shirka ka socda dalka Jabuuti. Ducaale, wuxuu sheegay in shirkaas uu yahay mid u dhexeeya Somalida, iyaguna ay yihiin dal dhinac isku taagay oo aan ka mid ahayn Somalia, isagoo xusay inuu rajeynayo in shirkaas uu noqdo mid guulaysta. Wasiirka ayaa caro ka muujiyay hadal uu shirka ka sheegay ergayga UN-ka ee arimaha Somalia Ahmadou Ould-Abdallah kaasoo ahaa in Somalida oo dhan sida Puntland iyo Somaliland laga doonayo inay si wadajir ah uga shaqeeyaan nabada. "Waxaan u sheegaynaa ergayga inaan nahay dal tashaday oo ka madaxbanaan Somalia inteeda kale, horayna waan ugu sheegnay, iminkana waan ku celinaynaa" ayuu yiri C/llaahi Max'ed Ducaale oo hadalkiisa uu ahaa mid ay caro ka buuxdo. Mar la weydiiyay in xubnaha baarlamaanka shirka lagu qaybsaday nidaamka 4.5 oo ay dad kasoo jeeda waqooyiga Somalia ka qaybgalayaan shirkaas, ayaa sheegay in xubnahaas aysan iyaga matalin. "Somaliland horay ayay uga tashatay aayaheeda, balse dadka walaalaheen ah ee shirka uu uga socdo Jabuuti waxaan ugu baaqaynaa inay ka digtoonaadaa kuwa sheeganaya inay ka socdaan Somaliland, waayo kuwaas waa kuwo u baahan dhaqancelin" ayuu yiri Ducaale. Hadalka wasiirka ayaa kusoo beegmaya iyadoo shir uu uga socdo DF iyo ARS dalka Jabuuti, waxaana lagu wadaa Somaliland inay ka dhacdo doorashada Madaxtooyada bisha March ee sanadkan. RADIO GAROWE Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 29, 2009 thats normal imbigati eldored and any other shir somalida konfuurta loo qabto waxba naga ma gallin anaga sxb, wa shirarki somaliya Quote Share this post Link to post Share on other sites