Deeq A. Posted February 5, 2024 Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay weerar lagu laayay dad Oromo ah uu ka dhacay gudaha degmada Beledxaawo, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac. Dabley hubeysan oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ayaa lagu soo warramayaa inay dadkaan ku dishay xaafad ka tirsan degmadaas oo u dhow xadka Kenya. Mid kamid ah waxgaradka deegaanka oo la hadlay Shabelle Tv ayaa ka warbixiyay dhacdadaasi, wuxuuna xaqiijiyay in goobta lagu dilay 7 Oromo ah 6 kalena la dhaawacay. “Waxaa la galay xaafad halkan ah oo ay Oromo daganayd dadbaa lagu laayay ilaa 7 qof waa dhimatay 6 waa dhaawacantay oo 2 ciyaal ah ay ku jiraan” ayuu wareysiga yiri. Sidoo kale wuxuu falkan ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab, ayada oo goobta isaga baxsadeen maleeshiyaadkii ka dambeeyay dhacdadaasi. “Nimanka duurka ayaa loo maleynaa, loo maleynaayo ma ahee iyagaa dilay oo u yimid” ayuu mar kale yiri Nabadoonku. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaase soconaya baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan laamaha ammaanka ee degmada Beledxaawo. Weerarkan ayaa kusoo aaday, xilli ay taagan tahay xiisad ka dhalatay heshiiska badda ee ay Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo ay hanjabaad kasoo saartay Al-Shabaab.The post Dad OROMO ah oo lagu laayay gobolka GEDO appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites