Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka oo shir ka yeeshay Arrimaha Horumarinta dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1707129583566.jpg?resize=720%2C48

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa la kulmay Ku-xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka ee u qaabilsan Horumarinta Karaanka Aadanaha, Marwo Mamta Murithi oo maanta Muqdisho soo gaartay.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray qorsheyaasha Istaraatiijiyadeed iyo kuwa mudnaanta u leh Soomaaliya ee horumarinta karaanka bulshada iyo sidii Bangiga Adduunku u sii wadi lahaa, loona ballaarin lahaa taageerada uu Soomaaliya ka siiyo xagga horumarinta awoodda waxqabad ee bulshada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa la wadaagay wafdiga Bangiga Adduunka muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado horumarinta xirfadda iyo aqoonta dhallinyarada Soomaaliyeed.

Dhankeeda Ku-xigeenka Madaxweynaha Bangiga Adduunka ayaa ugu hambalyeysay Xukuumadda guulaha  ay gaartay muddadii ay jirtay, gaar ahaan dhammaystirka hannaanka dayn cafinta dalka oo guul ku soo idlaaday dhammaadkii sanadkii tagay, Iyada oo sheegtay in ay xoojin doonaan taageerada dhinacyada kala duwan iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin Wasaaradaha iyo Hay’adaha dowladda.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga Adduunka oo shir ka yeeshay Arrimaha Horumarinta dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this