Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaabka Ilhaan Cumar lagaga eryi karo baarlamaanka Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilhaan Cumar ayaa ka waajaheysa cadaadiskii ugu weynaa tan iyo intii loo doortay xubinnimada aqalka baarlamaanka Mareykanka ee Congress, ee ay ku metesho gobolka ay Soomaalidu degto ee Minnesota.

Gabadha xagjirka ah ee kula jirta Congress ee Marjorie Taylor ayaa aqalka baarlamaanka u gudbisay qaraar ku eedeynaya Ilhaan khiyaano qaran, iyo inay wakiil u tahay dowlad shisheeye.

Guddoomiyaha gobolka Florida Ron DeSantis waxa uu isagu ku baaqay in Ilhaan laga la noqdo dhalashada iyo baasaboorka Mareykanka islamarkaas na la mustaafuriyo.

Qaraarka loo gudbiyay Congress iyo baaqa tarxiilka Ilhaan ayaa dabo-socday hadal ay ku durtay isfagaradka badda ee dhexmaray Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo ay ka jeedisay xaflad loo dhigay dib-u-doorashada madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdulaahi Deni.

Haddaba, is-weydiintu waxaa ay tahay qaabkee Ilhaan iyo xubnaha kale ee baarlamaanka Mareykanka looga saari karo Congresska?

“Ma ahan wax fudud in xildhibaan la soo doortay laga eryo baarlamaanka. Way ka adag tahay doorashada,” ayuu yidhi qareen Amiin Haruun oo ka howlgala Minnesota. “Waxay ka mid tahay arrimaha dhif iyo naadirka ah ee hore u dhacay.”

Saddex mudane oo lasoo doortay oo keliya ayaa laga eryay baarlamaanka Mareykanka boqol iyo lixdankii sanno ee ugu dambeeyay. Xildhibaan George Santos – Jamhuurigii laga soo doortay New York oo looga taag waayay beenaalenimo islamarkaas ay ku socoto dacwada dowladda dhexe ee la xidhiidha musuqmaasuqa, lacagta la maydho, xatooyada iyo xatooyadda aqoonsiga deeq-bixiyayaasha – ayaa noqday xildhibaankii ugu dambeeyay ee laga eryo golaha Congresska.

Labadii ka horreysay oo ka wada tirsanaa xisbiga Dimoqraadiga, James Traficant iyo Michael Myers, oo lagu helay dembiyo dhowr ah oo ay ku jiraan laaluush-qaadasho, islamarkaas na diiday inay iscasilaan ayaa laga eryay baarlamaanka Mareykanka sannadkii 2002 iyo 1980kii.

Waxay dhacdaa xaaladdo dhif iyo naadir ah. Waxay u baahan tahay isbiirsiga dhaqan xumo iyo u-adkeysi weysiga ficilada xishood la’aanta ah.

Sidaas oo ay tahay, Dastuurka Mareykanka ayaa siinaya aqalka Congress awood weyn oo ay shaqada kaga eryaan saraakiisha dowladda dhexe oo ay ku jiraan madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, laakiin ma leh awood taas u dhiganta oo ay xilka uga eryi karaan, si fudud xubnaha la mid ah ee loo soo doorto sharcidejinta.

Sababtu ma ahan wax kale, waa waa nidaamka sharciga dalkaas ayaa waxaa loo dhisay in lagu ixtiraamo rabitaanka cod-bixiyayaasha iyo xubnaha ay u doortaan baarlamaanka.

Xubno iskood waa isu casili karaan, laakiin in la eryo waxay u baahan tahay inay u codeeyaan aqlabiyadda aqalka Congress, tiro u dhiganta labo meel saddex meelood xubnaha Congress. Ma shaqo aan si fudud lagu gaari karin.

Sidaas oo ay tahay, xubinta laga eryayo Congress uma baahna inay gasho dembi, ama ay jabisho sharciga. Laakiin waa in la helaa saddex meelood, labo meel cododka aqalka si loo eryo.

Jidkaas oo la maro ayaa Ilhaan Cumar lagaga eryi karaa aqalka Congress.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this