Cowke Posted July 23, 2010 UNHCR oo ugu baaqday Puntland inay joojiso Tarxiilida dhalinyarada reer Koonfureed July 23, 2010 Hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ayaa baaq ay maanta kasoo saareen xafiikooda magaalada Geneva ayaa lagu sheegay in hawlgalada lagu tarxiilayo dadka kasoo jeeda Koonfurta Soomaaliya ee ka socda Puntland ay tahay mid aan habooneyn. Baaqan ayaa lagu sheegay in tarxiilida iyo qabqabashada dadka kasoo jeeda koonfurta Soomaaliya ay ka socdeen todobaadkan gobalada Puntland iyo waliba dalka Kenya, waxaana warbixinta UNHCR lagu sheegay in dadka laga tarxiilay Puntland ay u badan yihiin dhalinyarada da’adoodu u dhaxeyso 18 illaa iyo 25 sano jir. “…Waxaa cad in ay sare usii kaceyso tarxiilida iyo falalka ka dhanka ah dadka kasoo barokacay koonfurta Soomaaliya….” ayey tiri Melissa Fleming oo u hadashay UNHCR. Dowlada Puntland ayaa loogu baaqay inay joojiso tarxiiliada dadka soo barokacay, ayadoo hay’ada UNHCR ay sheegtay dhalinyarada kasoo qaxay Koonfurta Soomaaliya, hadii dib loogu cesho koonfurta ay u gacan galayaan kooxaha mintidka ah sida Al Shabaab, oo ay hay’ada UNHCR sheegtay in ay dhalinyarada ku khasbaan dagaalada ka socda koonfurta Soomaaliya. “….Dowlada Puntland waa inay joojisaa hawlgalkan dadka khasabka lagu celinayo…” ayaa lagu yiri warbixinta maanta kasoo baxday xafiiska UNHCR ee magaalada Geneva. “…Dadka soo barokacay waxay u baahan yihiin loo gargaaro isla markaana magangelyo lasiiyo, dadka sida khasabka ah loogu celiyo goobaha ay dagaaladu ka socdaan waa fal aad halis u ah oo khatar gelinaya noloshooda…” ayaa lagu yiri warbixinta UNHCR. Waxaa sidoo kale lagu sheegay warbixintan in ciidamada amniga ee dalka Kenya ay ayaguna bilaabeen inay qabqabtaan Soomaalida dalkaasi ku sugan, walow warbixintan lagu xusay in dalka Kenya uusan weli celin dadka Qaxootiga ah ee kaararka qaxootinimo heysta. Ahmed Muse Horseed Media Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted July 23, 2010 Its seems mr faroole the upper chief of the pirates can’t do anything right deportation of Ethnic Somalis from their own Country. Puntland claims to be part of Somalia but considers Somali citizens as refugees with in their own country and deports these innocent civilians because the security situation of bossaso has been deteriorated. Also he has taken no measures against irhaabi related terrorist unities in the galgala region looks like faroole is becoming an incompetent leader and slowly by slowly he is tearing puntland apart. Quote Share this post Link to post Share on other sites