Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuska Sannad Guurada Millateriga Somaliland oo sannadkan baaqday iyo sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa gabi ahaaba baaqatay munaasibada Sannad Guurada Ciidamada Millateriga Somaliland, oo ku beegnayd 2 bishan, taasi oo siyaabo kala duwan looga falceliyay.

Xisbiga Waddani ayaa dhankiisa xukuumada ku eedeeyay in baaqashada munaasibadu ay tahay fashil ku yimid xukuumada,  Afhayeen Maxamed Faarax Cabdi, ayaa isagu dib u dhaca munaasibada la xidhiiyay jabkii ciidanka kasoo gaadhay dagaalkii 25 August 2023 ee Laascaanood.

“Faanka Ina Kaahin iyo 32 sannadoo ka bacdi in ay tahay markii ugu horaysay ee la qaban waayay xuska Ciidanka Qaranka, waa su’aal wayn oo ay tahay in uu iswaydiiyo, waana in uu maanka ku hayo in ay Somaliland xasuusantahay sababta munaasibada Ciidanka Qaranka loo qaban waayay xuskooda” ayuu yidhi Afhayeenku.

Dhanka kale xukuumada Somaliland oo ka jawaabtay eedaynta mucaaradka ayaa sheegtay in munaasibadaha mararka qaar dib loo dhigi karo, isla markaana anay wax dhibaato ahi ku jirin.

“Shalay Jimce ayay ahayd, waana maalin cibaado, munaasibadaha qaranka, dibna waa loo dhigi karaa, horayna waa loo soo dhigi karaa, waana laga maarmi karaa wax mushkilad ahi kuma jirto” Wasiirka Xidhiidhka Golayaasha Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa sida ku jawaabay.

Marka laga yimaado hadalka wasiirka xukuumadu wax faah faahin ah kama bixin waxa sababay in ay baaqato munaasibada ciidanku, isla markaana madaxweynaha Somaliland wax hambalyo uma dirin ciidanka xuska sannad guuradiisa.

Ciidamada Somaliland ayaa sannadkii hore jab kala kulmay dagaal muddo 8 billood ah ka socday magaalada Laascaanood, iyada oo laga qabtay askar ku dhaw 300, oo ay ku jiraan saraakiil, iyo hub taas oo loo sababaynayo tallo xumo dhanka xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this