Sign in to follow this  
General Duke

TFG warns of war..

Recommended Posts

Dowladda KMG ah oo ka digtey qatar ku soo fool leh somaliya iyo beesha caalamka

Posted to the MOL December 11, 2006, 12:03 pm

 

 

Baydhabo:- War ka soo baxay maanta wasaarada warfaafinta ee dowladda KMG ah ayaa caalamka ugu baaqey in xaaladda Soomaaliya ka jirta ay tahay mid cakiran oo Qatar ku ah nabada Somaliya iyo wadamada caalamka una baahan in si deg deg ah wax looga qabto.

 

 

Waxa warsxaafadeedkaas oo loo qaybshiyay saxaafada dawladu ku sheegtey in hub iyo dagaalyahanno ka socda dawladaha carabta iyo Eritrea ay ku soo gurmayeen maalmahan dhulka maxaakiinta Islaamku ka taliyaan siiba magaalada Muqdisho ka dib markay casumaad ka heleen madaxda maxaakiimta.

 

 

Hadalkaan ka soo yeeray dawlada KMG ah ayaa u muuqda digniintii ugu dambeysay ee dawlada KMG ah ka timaada ee xaalada nabadeed ee sii xumaanaysa ka dib markii dagaal yahano ajaaniib ah oo ku xiran argagixisada aduunka ay Somaliya u yimaadeen inay jihad kala galaan wadamada reer galbeedka.

 

Maxkamadaha Islaamiga Muqdisho ayaa dhawr jeer meelo fagaara ah ku cusumay dagaal yahaniintaas inay ka hawl galaan Somaliya. Maxkamadaha Muqdisho oo ay maamulaan hal qabiil ayaa dad badan rumeysan yihiin inaysan diinta iyo jihaadka ay ku soo jiidanayaan dadka muslimnka ah aysan run ka ahayn ee arinta tahay xukun doon.

 

Si kastaba ha ahaatee waxaa hadda muuqata inay adag tahay sidii looga hortagi lahaa dagaal kale oo dadka Somaliyeed ku hoobtaan. Madaxda maxkamadaha ee haatan horboodaya maxkamadaha islaamiga ayaa sannadkii 1991 waxay sidaas oo kale dad wax magarato ah ugu kiciyeen magac qabiil taas oo dhibkii iyo xasuuqii ka dhashay dhalisay inay Somaliya wali is-aamini weysan tahay. Maxkamadaha Muqdisho ayaa carqalad weyn ku noqday howlihii dib u heshiisiinta oo sannadihii dambe meel fiican marayeen iyadoo dadka Somaliyeed bilaabeen inay markale is dhexmaraan haatanse ay yaraatay isku gudubka dadka iyo ganacsiguba.

 

 

Mudugonline.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

^lol..haday garteen in ay khatar caalamka kusoo fool leeday,the ICU were saying this from the begining before the U.N decions and before the Tigray troops from Ethiopia entered,it's too late now.

 

As they say,dont' enter the ocean if you can't swim.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^The TFG has the right excuse now to both limited wage war and boycot any talks with the Clan Courts.

This is just setting the record stright. The courts have attacked Bay & Bakool wich is the base of the government...

 

Their options are narrowing daily.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baydhabo: Dawladda FS oo beesha caalamka ku wargalisay in ajnabi aad u fara badan ay ka jawaabeen codsigii maxkamaduhu ugu yeereen Muqdisho.

 

Isniin, December 11, 2006

 

 

Baydhabo(AllPuntland)-Dawladda Soomaaliya ayaa maanta ka dhawaajisay in dalka Soomaaliya ay kusoo fool leedahay xiisad colaadeed oo saamayn ku yeelan karta geeska Afrika.

 

Dawladdu waxay sheegtay in xiisad gaarta geeska Afrika ay hormuud u noqon doonaan maxkamadaha oo adeegsanaya muslimiin xag jir ah.

 

"Halkii laga rabay in maxkamadaha Islaamiga ay joojiyaan is ballaarinta isla markaana ay bilaabaan wada hadallada nabadda waxay taas baddalkeeda sii wadaan is ballaarin millatari " waxaa sidaasi sheegtay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

 

Dawladda Soomaaliya waxay beesha caalamka ogaysiisay in dalka xaalad adag uu qarka u saaranyaay , xaaladdaasi oo wada hadalka nabadda bur burin karta , gobolka mid khatar ah ka dhigi karta.

 

Warbixinta kasoo baxday dawlada Federaalka maanta oo Isniin ah oo ahayd mid loo qaybiyay saxaafadda beesha caalamka ayaa sheegaysa in maxkamaduhu ay dalka kusoo dhaweeyeen kooxo argagixiso ah.

 

" Boqolaal qof oo u dhashay Ereteria iyo kuwo kale oo fara badan oo ajnabi ah ayaa ka jawaabay dhawaqii " Jihaadka" ee ay maxkamaduhu ugu yeereen kooxahaasi" ayay tiri warbixinta wasaaradda warfaafinta.

 

Khubaro ka tirsan beesha caalamka ayaa sheegtay in maxkamadaha is ballaarintooda ay ka danbayso ujeeddo ah inay meesha ka saaraan dawladda federaalka , una haraan xukunka Soomaaliya.

 

Maxkamadaha Islaamiga ayaa sheegay in dawladda federaalku ay dagaalka hurinayso, maadaama ay dalka Soomaaliya ku casuntay Itoobiyaan.

 

Iminka dawladda iyo maxkamadaha ayaa isku jira dhowr Kilometer , taasoo dadka Soomaalida ah ku ridday cabsi joogto ah oo kusaabsan in dagaal mar walba dhici karo.

 

CCC Farayaamo

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this