Deeq A. Posted February 5, 2024 Ceeldheer (Caasimada Online) – Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kasoo baxeen magaalada Ceeldheer, kadib markii la wariyay inay gadiid uga soo baxeen halkaasi. Warar ku baahay baraha bulshada ayaa sheegayay in ciidamada oo ka cabanaya mushaar la’aan ay soo faarujiyeen fariimihii ay ku lahaayeen degmadaasi. Sarkaal u hadlay ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin waxba kama jiraan, welina gacanta ku hayaan amniga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud. “Magaalada sideeda ayaa loo joogaa wax broblem ah kama jiraan wax ka baxay iyo wax ka tegay midna ma jiro shaqadu sidii ayay u socotaa” ayuu yiri sarkaalka u hadlay milatariga. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dad leh dano gaar ah iyo siyaasiyiin ay faafiyeen wararkaasi, balse aysan jirin dhibaato kale. “Dad ujeedo gaar ah ka leh malaha shilimaad ku raadinaya iyo kuwa siyaasiyiin ah oo wax kale ka raadinaya uunbaa qorayee wax dhibaato ah ma jiraan” ayuu yiri. Waxaa kale oo uu meesha ka saaray in mushaar la’aan ay hayso ciidamada ku sugan difaaca hore ee degmada Ceeldheer, maadaama howlgallo ka socdaan. “Difaacu waa sidiisii iyo si kasii fiican, shaqaduna meesheedii ayay ka socotaa. Xoogga dalka mushaarkiisa quu qaataa dadka dhana waa ogyahay” ayuu mar kale yri. Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay inay sii socon doonaan qorshahoodana uu yahay inay gaaraan meelo kale oo kamid ah gobolka. Waxaan rabnaa inaan meel kale qabano oo deegaanno kale aan gaarno, insha allah shaqo kale ayaan sii qabaneynaa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay. Ceeldheer ayaa kamid ah magaalooyinkii ugu dambeeyay ee laga xoreeyay Al-Shabaab, kadib markii ay dagaal ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaankaThe post Maxaa ka jira in ciidamada DF ay kasoo baxeen Ceeldheer? appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites