Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya oo maanta yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dalka

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1707114271916.jpg?resize=720%2C48

Xildhibaannada Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Isniin ah yeelanaya kulan ku saabsan ka doodista arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.

Qoraal kooban oo loo diray Xildhibaannada golaha shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wargeliyay ajandaha kulanka oo looga doodayo arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.

Kulankan ayaa sida la rumaysan jawaab u ah shirka siyaasadeed ee uu dhawaan ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni kaasi lagu martiqaaday Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Madaxa Dowlad Goboleedyada iyo Mucaaridka Villa Somalia.

Baarlamaanka labada Aqal ayaa waxaa horyaala wax ka bedelka dhamaystirka dastuurka oo la qorsheynayo in la soo geba gabeeyo bisha March islamarkaana khilaaf xooggan ka taagan yahay sida loo wajahayo.

PUNTLAND POST

The post Aqalka Hoose ee Baarlamanka Soomaaliya oo maanta yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha masiiriga ah ee dalka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this