Sign in to follow this  
Deeq A.

Namibia Oo Madaxweyne Cusub Yeelatay Saacado Yar Kadib Markii Uu geeriyooday Madaxweynihoodii

Recommended Posts

Deeq A.   

Nangolo Mbumba ayaa loo dhaariyay inuu noqdo Madaxweynaha dalka Namibia saacado kadib markii uu ku dhawaaqay inuu geeriyooday Madaxweynihii dalkaas Hage Geingob.

Madaxweynahii dalka Namibia Hage Geingob oo 82 jir ahaa ayaa ku geeriyooday cisbitaalka Lady Pohamba ee caasimadda Windhoek halkaas oo lagu daweynayay.

Geingob ayaa tan iyo sannadkii 2015-kii madaxweyne ka ahaa waddankan aadka u dadka yar ee ku yaalla dhinaca koonfureed ee Afrika.

Halyeyga halgankii gobonimo doonka ee dalka, Mr Geingob ayaa laga helay cudurka kansarka, waxaana uu xogtan shacabka u soo bandhigay bishii hore.

Madaxweynaha cusub ee xilka loo dhaariyay ayaa xilkaasi sii heyn doonaa ilaa doorashada la filayo inay dhacdo dabayaaqada sannadkan.

Mr Geingob ayaa markii ugu horreysay loo dhaariyay xilka madaxweynenimo sannadkii 2015-kii, balse wuxuu soo qabtay xilal sare oo siyaasadeed tan iyo markii uu xorriyadda qaatay sannadkii 1990-kii.

Mr Geingob waxa uu mustaafuris ku noolaa muddo 27 sanno ah, isagoo waqti ku qaatay Botswana, US iyo UK, halkaas oo uu shahaadada PhD ka qaatay siyaasadda. Waxa uu dib ugu soo laabtay Namibia 1989, sannad ka hor intii aanu xornimada qaadan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this