Liibaan Posted July 7, 2007 Ethiopia oo kasoo musaafurisay dalkeeda 120 qof oo u dhashay dalka Somalia Dadka soomaaliyeed ayaa la keenay magaalada Wajaale ee xuduudku maro si ay Somalia ugusoo gudbaan oo dalkoodii ku noqdaan Maamulka Somaliland ayaa 15 qof oo u dhashay Somaliland u ogalaaday inay u soo gudbaan Somaliland, 105 qof oo u dhashay Koonfurta Somalia u diiday inay u gudbaan oo ay dibna ku celisay Ethiopia --------- Qarannews Dawlada Ethiopia oo Dalkeeda kasoo Masaafurisay 120 ruux oo u kala Dhashay Koonfurta Soomaaliya iyo Somaliland iyo Jawaabta Somaliland Hargeysa:- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Col. Maxamed Saqadhi Dubad ayaa daboolka ka qaaday in dad gaadhayey 105 ruux oo u dhashay dalka Koonfurta Somaliya oo ay dawlada Ethiopia ka soo mastaafurisay dalkeeda ay dib ugu celiyeen, isla markaana waxa uu xusay inaanu sharciga Somaliland ogolayn in dawlad kale heshiis la’aan u soo mastaafuriso dad aan laga warqabin Sida waxa uu taliyuhu ku sheegay wareysi uu maanta siiyey idaacada BBC-da laabteeda ku hadasha Af-ka Soomaaliga. Dadkan u dhashay koonfura Somalia ee ay dawlada Ethiopia ka soo mastaafurisay dalkeeda ayaa waxa shalay la keenay Magaalada Wajaale ee xuduudku maro si ay Somaliland ugu soo gudbiyaan, taas oo ay dawlada Somaliland is hortaagtay, isla markaasina diiday inay dadkaasi u soo gudbaan oo ay dib ugu celisay Ethiopia. Waxaanu taliyuhu tilmaamay inay dadkaasi ay wadeen Ciidamada Federaalka Ethiopia oo ka soo qabqabtay Gudaha Ethiopia, gaar ahaana Adis ababa iyo Boondar. Waxaanu taliyuhu Cadeeyey inaanay Somaliland aqbalayn in loo soo mastaafuriyo dad aan u dhalan Somaliland oo aanay ka warqabin ayuu yidhi. Sidoo kale, waxa uu taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Saqadhi farta ku fiiqay 15 qof oo u dhashay Somaliland ay iyagana laga soo mastaafuriyey dalka Ethiopia oo si sharci-darro ah ku joogay, ay iyaga u ogolaadeen inay u soo gudbaan Somaliland. Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Col Maxamed Saqadhi Dubad waxa hoosta ka xariiqay inaanu sharciga Somaliland ogolayn in Dawlad kale heshiis la’aan u soo mastaafuriso dad aan laga warqabin dhinaca Somaliland. Sida laga warqabo dad badan oo u dhashay Koonfurta Soomaaliya ayaa beryahan danbe ku sii qulqulayey Dalka Ethiopia si ay safaaradaha halkaasi degen uga raad-sadaan fiisayaal ay ugu baxaan dalka dibada, iyaga oo ka yaacaya dagaalada halkaasi ka dhacay ee ilaa imika laga shaki qabo. Source Hadhwanaagnews Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted July 7, 2007 Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Col Maxamed Saqadhi Dubad waxa hoosta ka xariiqay inaanu sharciga Somaliland ogolayn in Dawlad kale heshiis la’aan u soo mastaafuriso dad aan laga warqabin dhinaca Somaliland. How many times do we have to repeat this to those countries ??? ,,,, first it was Denmark and now Ethiopia ?? Good work Mudane Saqadhi ,,,,,,,, Quote Share this post Link to post Share on other sites