Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin oo yaaban dadka deegaankooda ka soo jeeda ee ku sii qul qulaaya WADDANI

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudooyinkii u danbeeyay waxa gudoomiyaha xisbiga WADDANI kulamo gaar gaar ah aqalkiisa uu ka deganyahay magaaladda Hargeysa iyo xafiiskiisaba kulamo kula yeelanaayay dad maamuus iyo sharaf ku dhex leh bulshada reer Somaliland.

Dadkani la kulmaaya musharaxa xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro waxa ay dhamaantood u muujiyeen in ay taageersan yihiin xisbiga Waddani xubnahani ayaa ka mid ahaa taageerayaash xisbiga talada haya ee Kulmiye, sidoo kalana ka soo jeeda deegaanada madaxweynaha iyo wasiirka arimaha gudaha Maxamed Kaahin..

Arintani waxa ay joog iyo jiifba u diiday madaxweynaha iyo wasiirka arrimaha gudaha iyada oo wakhtiyada fooda inagu soo haya uu xisbiga Waddani uu xaflad soo dhaweyn ah oo ay ilaa hada qaban qaabadeedu socoto lagu qaban doono magaaladda Hargeysa.

Waxana si xawli ah u socota taageerada ay dhalinyarada Somaliland u muujinayaan xisbiga WADDANI oo loo arko xisbiga midnimada reer Somaliland ka shaqayn doona.

Musharax Cirro ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ayna niyad jabin isaguna uu ka shaqayn doono midaynta iyo walaalaynta shicibka reer Somaliland ee walaalah ah.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this