Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Xildhibaannada BF oo berri yeelanaya kulan xasaasi ah + Ajendaha

Recommended Posts

Deeq A.   
xildhibaanada-baarlamanka-BF.jpeg?fit=20

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maalinta berri ah oo Isniin ah yeelanaya kulan xasaasi ah.

Kulankaas ayaa waxa uu qorshuhu yahay in looga hadlo arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka, sida ay ogaatay Caasimada Online

Farriin loo diray Xildhibaannada oo ay aragtay Caasimada Online ayaa lagu wargeliyay ajendaha kulanka berri oo taariikhdu tahay 5-ta Febraayo, lamana caddeyn inuu madaxweyne Xasan Sheekh ka soo qeyb-galayo iyo in kale.

Kulanka berri ayaa la aaminsan yahay inuu jawaab u yahay gogosha siyaasadeed ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, taas oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo marxaladaha siyaasadeed ee dalka ka soo cusboonaaday, kaasi oo lagu marti-qaaday madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad-goboleedyada iyo madaxdii hore.

Labada Aqal ee Baarlamaanka ayaa waxaa horyaalla wax ka bedelka dhameystirka dastuurka oo la qorsheynayo in la soo gaba-gabeeyo bisha March, kaddib markii 24-ka bishii hore qaab uu muran ku jiro loo ansixiyay habraaca wax ka bedelka dastuurka.

Kulankan ayaa sida la aaminsan yahay jawaab u ah gogosha siyaasadeed ee uu ku dhawaaqay madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo marxaladaha siyaasadeed ee dalka ka soo cusboonaaday, kaasi oo lagu marti-qaaday madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad-goboleedyada iyo madaxdii hore.

Arrintaan ayaa imaneysa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay arrimaha wax ka beddelka dastuurka, islamarkaan ay diidan yihiin inta badan xubnaha mucaaradka oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka.

Si kastaba, bishii May ee sanadkii hore ayay aheyd markii Golaha Wadatashiga Qaranka ku heshiiyeen in laga guuro nidaamka hadda jira, ayada oo meesha laga saarayo xilka ra’iisul wasaaraha, si ay Soomaaliya markii ugu horreysay u yeelato madaxweyne iyo ku-xigeen.

The post Xog: Xildhibaannada BF oo berri yeelanaya kulan xasaasi ah + Ajendaha appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this