Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo galaya laba sano oo dhaqaale urursi ah si uu mar kale ugu tartamo Madaxweynaha Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
taliye.jpg?resize=960%2C724&ssl=1

Xukuumadda Madaxweyne Deni ayaa gelaysa laba sano oo dhaqaale urursi ah, si ay ugu diyaar-garowdo doorashada Soomaaliya ee sannadka 2026.

Ilo wareedyo madax-bannaan ayaa sheegaya in xukuumadda dib loo doortay ee Siciid Deni gelayso laba sano oo dhaqaale urursi ah, islamarkaana u diyaar-garoobayso doorashada Soomaaliya.

Wararka ayaa tilmaamaya in Madaxweyne Deni uu mar kale u sharraxanyahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya oo uu laba jeer oo hore ku guul-daraystay, lana rumaysan yahay in uu dhaqaale xooggan ku bixiyay.

Doorashadii Soomaaliya ee May 2022 iyo doorashadii Puntland Jan 2024 ee dib loogu doortay Madaxweyne Deni ayaa hore saamayn ba’an ugu geystay dhaqaalaha Puntland oo hadda sagxadda ku sii socda.

Dhinaca kale, inta badan mashaariicdii laga fulin jiray degaannada Puntland ayaa ku xanniban dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii uu saameeyay khilaafka Siciid Deni iyo Xasan Sheekh.

PUNTLAND POST

The post Deni oo galaya laba sano oo dhaqaale urursi ah si uu mar kale ugu tartamo Madaxweynaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this