Sign in to follow this  
Deeq A.

Imran Khan Iyo Xaaskiisa Oo Mar kale Lagu Xukumay 7 Sanno Oo Xabsi Ah ka dib markii la sheegay in guurkoodu uu sharci-darro yahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamad ku taalla Pakistan ayaa riday ra’iisul wasaarihii hore Imran Khan iyo xaaskiisa ku xukuntay 7 sanno oo xadhig ah ka dib markii maxkamadu ay sheegtay in guurkoodu uu yahay sharci darro.

Maxkamaddu waxa ay xukuntay in Imran Khan guurkii uu la galay Bushra Bibi sannadkii 2018 uu ahaa mid ka baxsan diinta Islaamka oo sharci darro ah.

Sidoo kale xukunka toddobada sanno ah, maxkamada ayaa Khan iyo Bibi ku soo rogtay ganaax dhan 500,000 rupees ($1,800; £1,420).

Waxaa dacwad ka gudbiyay lamaanahan nin la sheegay inuu hore ufuray Bibi, kaas oo sheegay in guurkeeda Khan uu ahaa mid sharci darro ah maadaama ayna dhammaysan haweeneyda cidada.

Arbacadii la soo dhaafay, Imran iyo Xaaskiisa ayaa lagu helay dambi ah inay ka faa’iideysteen hadiyadaha dawladda.

Khan, oo 71 jir ah, ayaa sheegay in kiisaska badan ee ka dhanka ah isaga ay yihiin kuwo siyaasadeysan. Kabtankii hore ee Cricket-ka Pakistan oo isu rogay siyaasi ayaa xilka ra’iisul wasaare laga tuuray 2022-kii.

Maxkamad ayaa laga dhisay gudaha xabsiga Adiala ee Rawalpindi, halkaas oo Khan uu ku dhameysanayo xukunkii hore, waxaana loo heystaa dambiyo kala duwan.

Lamaanuhu waxay is guursadeen 2018, bilo ka hor inta aan Khan loo dooran ra’iisul wasaaraha. Bibi, oo ah dhakhtar xagga cilmi nafsiga ayaa la aaminsan yahay inay 40-jir tahay, had iyo jeerna xidhato xijaab meelaha fagaarayaasha ah.

Khan ayaa waxaa uu hore u guursaday Jemima Goldsmith oo u dhalatay dalka Ingiriiska sannadkii 1995,waxayna is qabeen muddo sagaal sanno ah iyadoo u dhashay laba wiil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this