Sign in to follow this  
Deeq A.

Maraykanka oo weeraro aargudasho ah ka fuliyey Ciraaq iyo Suuriya

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka ayaa qaaday duqeymo dhanka cirka ah oo lala beegsaday 85 bartilmaameed oo lala xidhiidhinayo Iran Ciraaq iyo Suuriya.

Pentagon-ka ayaa xaqiijiyay in ay uga aargudanayeen weerar diyaaradeed oo ay fuliyeen dagaalyahanno ay taageerto Iran oo Axaddii saddex askari oo Mareykan ah ku dilay xero ciidan oo ku taalla Jordan.

Maraykanku waxa uu ku celceliyay in uusan doonayn in uu khilaaf kala dhexeeyo Iran lafteeda balse madaxweyne Biden waxa uu ka digay in weeraradu sii socon doonaan.

Goobaha la bartilmaameedsaday waxaa ka mid ah xarumaha taliska iyo kuwa laga maamulo ee ay leeyihiin ciidamada Quds ee Iran iyo maleeshiyaad taabacsan.

Wararka ka imaanaya dalka Suuriya ayaa sheegaya in tiro dad ah lagu dilay laguna dhaawacay.

Dowladda Ciraaq waxay ku tilmaantay weerarrada ka dhacay dalkeeda kuwo xad-gudub ku ah madax-bannaanideeda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this