Deeq A. Posted February 3, 2024 Ciidamada Israa’iil ayaa Jimcihii shalay duqeeyay nawaaxiga magaalada Rafax ee dhacda xadka u dhexeeya Gaza iyo Masar, halkaas oo hadda noqotay xerada ugu weyn uguna danbeysa ee ay isugu tageen inta badan dadka ku go’doonsan marinka Gaza. Boqollaal kun oo Falastiiniyiin ah oo ku barakacay duqaymaha iyo dagaalka Israa’iil ee Gaza, ayaa ku sugan xadka, iyaga oo aad uga cabsi qaba weeraro iyo duqeymo uga yimaada ciidamada Israa’iil, xilli ayna jirin meel kale oo ay u sii cararaan. Wasiirka difaaca Israa’iil Yoav Gallant ayaa Khamiistii sheegay, in ciidankiisu ay hadda cidhib-tiri doonaan wax uu ku sheegay canaasir argagixiso ah oo ku sugan Rafax. In ka badan kala badh shacabka Gaza oo lagu qiyaaso 2 milyan iyo 3 boqol oo kun oo qof ayaa badankoodu ay ka barakaceen guryahoodii, waxana intooda badani ay isugu tageen deegaanka Rafax oo ku yaalla xadka Masar. Tan iyo marki uu billowday dagaalka Israil ay ku qaadday Gaza, saraakiisha caafimaadka Gaza ayaa sheegay in ciidanka Israil ay dileen in ka badan 27 kun oo Falastiiniyiin ah. 112 ka mid ah ayaa la dilay 24-ki saacaadood ee lasoo dhaafay. Garabka hubeysan ee Xamaas ayaa Jimcihi shalay sheegay, in dagaal ka dhacay galbeedka Gaza ay ku duleen 15 askari oo Isra’iiliyiin ah. Israa’iil wali ma xaqiijin arrintaasi. Laakin Israa’iil hore waxay u xaqiijisay in dagaalka Gaza ilaa iyo hadda lagaga dilay in ka badan 200 oo askari. Source Share this post Link to post Share on other sites