Sign in to follow this  
Deeq A.

Abiy Ahmed oo hortagaya baarlamanka dalkiisa iyo heshiiskii ay kala saxeexdeen Somaliland iyo Itoobiya oo wax laga waydiin doono

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu toddobaadkan hor imaan doono baarlamaanka dalkaas, isla markaana uu jawaabo iyo sharaxaad ka bixin doono su’aalaha ay waydiiyaan xubnaha baarlamaanku.

Waxay sheegeen in sida uu qabo hab-raaca golaha shacabku, dadweynaha laga codsaday in ay su’aallohooda u gudbiyaan raysal Wasaaraha sabtidii todobaadkii hore.

Ilo xog ogaal ah oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa intaasi ku daray in galinkii dambe ee isniinta ay ku ekeyd in su’aalaha la soo gudbiyo.

Xubin ka tirsan golaha ayaa sidoo kale sheegay in xubnaha looga digay “in ayna meelna tagin, sababtoo ah waxaa jira shirar isdaba joog ah”.

Sida uu qabo xeer-hoosaadka iyo hab-dhaqanka Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Itoobiya, raysal Wasaaraha ayaa sannadkii 3 jeer hor yimaada Golaha, wuxuuna jawaabo iyo sharraxaad ka bixiyaa su’aalaha la xidhiidha arrimaha guud.

Sidoo kale, waxa uu xeerku dhigayaa in raysal Wasaaraha uu Golaha u soo gudbiyo warbixin la xidhiidha howlaha guud ee shaqo ee dowladda sannadkiiba laba jeer sida ku cad barnaamijka uu u qoondeeyay.

raysal Wasaaraha ayaa noqon doona kii ugu horreeyay ee horyimaada inta lagu guda jiro khudbad sannadeedka furitaanka Goleyaasha wakiilada iyo Federaalka.

Waxaa xusid mudan in raysal Wasaare Abiy Axmed uu ka soo muuqday Baarlamaanka si uu u muujiyo mowqifka dowladda, iyadoo laga doodayay khudbaddii Madaxweyne Sahlework Zewde ee caleema saarka billowgii bishii November ee la soo dhaafay.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in marka raysal Wasaaruhu uu ka soo muuqdo golaha baarlamaanka toddobaadka soo socda, laga yaabo in su’aalo laga weydiiyo arrimo siyaasadeed iyo dhaqaale oo waaweyn oo soo kordhay tan iyo markii uu sharraxaad ka bixiyay bishii November.

Waxa ka mid ah waxyaabaha la waydiin doono heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay dawladda Itoobiya la saxeexatay Somaliland bil ka hor.

Heshiiskan is-af-garadka ah ayaa u ogolaanaya Itoobiya in ay ka kirayso dhul xeebeed 20 KM ah oo ay ka dhisanayso Saldhig Milatari iyo Deked, waxaana xilligaas la sheegay in ay Somaliland ay aqoonsi ka heli doonto Itoobiya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this