Sign in to follow this  
Deeq A.

Midnimadii ay Somaliland la gashay Soomaaliya 1960-kii ujeedo kaliya ayay lahayd

Recommended Posts

Deeq A.   

Sannadkii 1960, ka dib kolkii dawladdii Soomaalilaand ee dhalatay taagtay calankii u gu horreeyay dawlad soomaaliyeed qarniyo ka dib, in la gu daray maamulkii Koonfurta ee toddobaad ka dib gaaladu dawladnimo siin doontay, reer waqooyigu midnimadaas ujeeddo keliya ayay ka lahaayeen.

Reer waqooyigu midnimada Waqooyi iyo Koonfur wax ay u ga dan lahaayeen midaynta Shanta Soomaaliyeed. Sow ma aha? Ma jirin wax macne gaar ah oo ay u lahayd qoladii Talyaanigu addoonsan jiray. Sidaa daraaddeed, daqiiqaddii ay fashilantay midaynta Shantii Soomaaliyeed, sharci ahaan iyo taariikh ahaan waxaa fashilantay in Waqooyi iyo Koonfuri keligood midoobaan.

Ta labaad, sannadkii 1991 ilaa 2012, ma ay jirin dawlad Soomaaliyeed oo dunidu aqoonsan tahay. Dhab ahaanna dawladda soomaalida ee dadkeedu u doorteen dastuur, baarlammaan, madaxweyne iyo golayaal degaan waa Soomaalilaand oo keliya.

Dhawr sababoodba Waqooyi iyo Koonfuri u ma midoobi karaan waayahan dhow:

1. Qodobbada aan qoraalka ku soo xusay.

2. In aanay suuragal ahayn taariikh ahaan iyo dhaqan ahaan in qolo soomaaliyeed qolo kale oo soomaaliyeed jujuubto (qabiilooyinka waaweyn), gaar ahaan qabiilka Isaaq in aan qabiil kale oo Geeska Afrika degaa hawaysan karin.

3. Koonfurta waxa dawladda ka hadlaa in ay yihiin dad aan dawlad rabin ee ama lacag raba (Mogadishu Clan), ama qabyaalad raba (Daarood), salkana ku haya dhaxalkii Talyaaniga

4. Dawladnimada ay Hawidaar ku riyoodaan ee berisamaadka u yaqaannaan, aan se waayahan u soo noqon doonin, waxaa u sameeyay dadkii reer Soomaalilaand: dhinacyada tacliinta, fanka, suugaanta, warfaafinta, arrimaha debedda iyo Af Soomaaliga.

Kacaankii Askartu kolkii uu Faqashoobay ee qabyaaladoobay xitaa tii buu sii adeegsan jiray oo qabyaaladeeyay oo si ilbaxnimo leh u adeegsan kari waayay, waayo qabiilooyin dhan buu Afweyne dawladda ka masruufayay si ay u gu dagaallamaan.

Haddaba waa mustaxiil in Hawidaar iyo Soomaalilaand midoobaan, waayo wax ay lumiyeen mabda’ii asalka ahaa ee ahaa midaynta Shanta Soomaaliyeed.

Markaa damaca Dhaxal Talyaani ee sheegashada Qaranka Soomaalilaand, ee aan ahayn sheegashada Jabbuuti ama Soomaali Galbeed ama NFD, Isaaq wax uu yidhaahdaa “Ku soo fadhiiso!”

Ibraahin hawd

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this