Deeq A. Posted February 2, 2024 Wasiirka Qorshaynta oo la kulmay masuuliyiin Hay’adeed Hargeysa(Qaran news)-Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Md Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo ay weheliyaan Safiir ku xigeenka Somaliland u fadhiya magaalada Nayroobi ee Wadanka Kenya Sharmaarke Axmed Geele, Agaasimaha Waaxda Isku duwida ( Coordination) Cabdinuur Gaas Cabdile, Agaasimaha waaxda xog koobista ( Statistics) Marwo Muna Cabdi Axmed iyo lataliyaha arimaha farsamo ee Wasiirka Cabdifatax Suldaan Aadan, Ayaa magaaladda Nayroobi kulamo wada shaqayneed kula yeeshay madaxda iyo hawlwadeenadda Hay’adda Xog-koobida Qaranka Kiiniya (Kenyan National Statistical Bureau),Haayadda Xogkoobida Sweden ee (Swedish Statistics) iyo Sanduuqa Qaramadda Midoobay ee Xogaha Dadka (UNFPA). Intii kulamadu socdeen waxay dhinacyadu isla qaateen qodobo muhiima oo ay kamid yihiin xoojinta iskaashiga horumarinta xogkoobida gobolka Bariga Afrika, gaar ahaan tirokoobka iyo adeegsiga xogta iyo xaqiiqooyinka marka la gaadhayo go’aamadda siyaasadda, xeerdejinta, miisaaniyada, iyo horumarinta dalalka Bariga Afrika oo ay Somaliland ka mid tahay. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites