Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Toorno oo Nairobi kula Shiray Qaadhaan Bixiyeyaasha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir Toorno oo Nairobi kula Shiray Qaadhaan Bixiyeyaasha Caalamka

Hargeysa(Qaran news)-Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka JSL Md Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), ayaa kulamo kala duwan kula qaatay magaalada Nayroobi, deeq bixiyayaasha Somaliland kala shaqeeya arrimaha horumarka, iyo kuwo cusub oo dhawaan kusoo biiri doona maalgelinta horumarka Soomaalilaan.

Weftiga ayay kulamadaasi ugu soo dhamaadeen guul iyo is-afgarad ku saabsan horumarka Somaliland, gaar ahaana mudnaanta Qorshaha Horumarinta Qaranka oo ugu horreeyaan

1. Kobcinta dhaqaalaha, shaqo abuurka iyo yaraynta saboolnimadda oo ay ugu horreeyaan maalgelinta horumarinta xoolaha, beeraha, kalluunka iyo ganacsiga la xidhiidha.

2. Horumarinta khayraadka biyaha.

3. Maalgelinta kaabayaasha oo ay ka mid yihiin tamarta la cusboonaysiiyo iyo wadooyinka.

4. isbedelka cimilada iyo cagaarinta deegaanka

Weftiga ayaa sii wada hawlaha shaqo ee ay u joogaan wadanka Kenya

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this