Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo jawaab ka bixinaya weerar looga dilay saddex askari

Recommended Posts

Deeq A.   
Capture.png?fit=1293%2C740&ssl=1

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa Arbacadii shalay ku eedeysay malleeshiyo ku sugan Ciraq oo ay taageerto Iran, in ay ka danbeeyaan weerar loo adeegsaday diyaaradaha dhulka laga hago oo lagu dilay saddex askari oo Mareykan ah, oo ku sugnaa saldhig Mareykanka uu ku leeyahay xadka Urdun iyo Suuriya.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka Mareykanka John Kirby, ayaa sheegay in Mareykanku rumeysanyahay, in weerarkaasi ay qorsheysay, fududeysay isla markaana gacan ku laheyd qalabka lagu fuliyay Kooxda Iska-caabinta Islaamiga ee ku sugan Ciraq.

Kooxahan oo ku mideysan hal dallad ayaa waxaa ku jira garabka Kataib Xizbullah, sida ay sheegtay Dowladda Mareykanka. Afhayeenka Guddiga Amniga Qaranka, ayaa sheegay in Madaxweyne Joe Biden uu rumeysanyahay in weerarkaasi looga jawaabo qaab ku habboon.

Wuxuu sheegay, in madaxweyne Biden uu ka fiirsanayo ikhtiyaarrada uu heysto si uu jawaab uga baxsho weerarka lagu dilay askarta Mareykanka ee ku sugnaa dalka Urdun.

Dhanka kale, Iran ayaa ku hanjabtay in ay jawaab adag ka bixi doonto weerar kasta oo uu uga yimaada Mareykanka, kaddib marki ay Washington ku eedeysay Tehran weerarki Axaxddii.

Ilaa 40 ka mid ah askarta Mareykanka ayaa sidoo kale weerarkaasi lagu dhaawacay. Kuwa la dilay iyo dhaawaca ah ayaa ku sugnaa saldhig qarsoodi ah oo uu Mareykanka ka sameystay jihada waqooyibari ee Urdun meel aad ugu dhaw xadka Suuriya.

VOA

The post Mareykanka oo jawaab ka bixinaya weerar looga dilay saddex askari appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this