Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar oo hadaĺkii ay ku Naqdiday Somaliland uu u Horseeday Culays iyo Cibaaro siyaasadeed

Recommended Posts

Deeq A.   

Ilhaan Cumar oo hadaĺkii ay ku Naqdiday Somaliland uu u Horseeday Culays iyo Cibaaro siyaasadeed

Washington,(Qarannews)-Ilhaan Cumar oo ka tirsan Congress Marykanka ayaa dagaal xoogan kala kulantay gudaha dalka Marykanka, ka dib markii ay si aan haboonayn uga hadashay heshiiskii is-afgaradka ah ee dhexmaray labada dal ee Somaliland iyo Itoobiya.
Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin waaweyn oo saamayn ku leh labada dal ee Somaliland iyo Marykanka ayaa si isku mid ah ugu jawaabay Ilhaan Cumar.

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibada Somaliland, ayaa felcelin ay ka samaysay arrinkaasi ay si weyn u xigteen siyaasiyiinta dalka Maraykanka.

Sidoo kale xubno ka tirsan golayaasha Maraykanka iyo Donald Trump JR oo ah Wiil uu dhalay Madaxweynihii hore USA Donald TRUMP Jr ayaa aanay ahayn hadal la iska yidhi oo kaliya “kuwa golayaasha inoo fadhiya maaha kuwo muhiimadoodu tahay danaha markaykanka “ ayuu raaciyey Donald TRUMP Jr.
Muwaadiniinta Maraykanka ayaa intooda badan kaga fal-celiyey hadalka Ilhaan in ay haboontahay in dalka laga mastaafuriyo, halka qaar kalena ay leeyhiin waain golayaasheena aan laga difaacin danaha Soomaaliya.
Hadalka aan nuxurka ku fadhiyin ee kasoo yeedhay gabadhaasi ayay kala kulantay waji-gabax.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this