Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhan Omar, Al-Shabaab xildhibaan Faarax Macalin iyo xukuumadda Muqdisho waxa ay ka midaysanyihiin burburinta Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Cadowga Somaliland wuxuu sameeyay wax kasta oo uu ku waxyeelayn karo qarannimada JSL.laakiin uma meelmarayso booraanta dheer ee ay u qodayaan Somaliland.

Waxa maalmihii la soo dhaafay Muqdisho, Nairobi iyo meelo kaleba iyo meelo kaleba, waxa ka soo bu’ayey niman culimo sheeganaya iyo Faarax Macalinka Kenya oo ku baaqayay in Somaliland lala dagaalamo oo dadkeedana la kala qaybiyo, kuwaasi oo ka xumaa heshiiska iskaashi ee Somaliland iyo Itoobiya oo ah laba dal ay ka dhexayso saaxiibtinimo guun ah oo soo jireen ahi, iyadoo Itoobiya ay ahayd saldhigii halgankii dib u xoreynta Somaliland iyo dalkii martigeliyay maatadii iyo dadkii rayidka ahaa ee laga barokiciyay magaalooyinka Somaliland sannadkii 1988kii.

Dadka colaada Somaliland u soo banbaxaý waxa ka mid ah Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Maraykanka, oo nacaybka ay u hayso Somaliland iyo dadkeeda xataa ka saartay Soomaalinimadii, waxa iyana fikir kaas la mid ah qaba ururka Alshabaab oo, waxana nasiib daro ah in xukuumadda Muqdisho ka dhisan ee beesha caalamku taageerto Alshabaab,Ilham Cumar, iyo Faarax Macalin oo ah xildhibaan Kiiniyaati ahi ay isku fikrad ka noqdaan sidii Somaliland loo burburin lahaa.

Ilhaan Cumar gafka ay ka gashay Somaliland waxa ay u horseeday culays iyo cibaaro siyaasadeed oo aanay meesha soo dhiganba, waxana xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanku ay ku baaqeen in laga saaro xubinimada baarlamaanka maadaama oo ay sheegtay inay Soomaaliya siyaasadeeda leedahay mudnaanta koowaad. Waxana siyaasiyiintaasi ay ku eedeeyeen in ay khiyaamo qaran ka gashay Maraykanka oo ay xildhibaan ka tahay. Waxana fadeexada naqdigeedu qabsaday warbaahinta Maraykanka.

Sidaas darteed nacaybka Soomaaliya u hayso Somaliland wuxuu mideeyay shacbiga Somaliland oo rasmiyan u xaqiiqsaday in cadowgooda koiwaad yahay Soomaalida.

Sidoo kale Somaliland waxa ka go’an inay ka baxdo go’doonka siyaasadeed, waxayna yeellaysaa wax kasta oo ay ku kasbanayso aqoonsi caalamiya, maadaama Soomaaliya ay u dabranayd muddo soddon sannadood ka badan. Iyadoo caalamku khasaare ka taagan yahay Soomaaliya oo ay balaayiin lacag ah geliyeen islamarkaana ay Soomaaliya wada qaadato dhaqaalihii loogu talogalay Soomaalida. Waxa ay gaadhay in dhaqaalihii dawladda Muqdisho loogu deeqay xiligii Covid 19kii ay ka qadisay Somaliland.

Waxa hubaal ah in heshiiska godka ka soo saaray cadowga uu yahay mid fulaya, iyadoo xiqdiga Soomaaliya wadaana uu noqon doono mid middeeya ummadda reer Somaliland oo dabci ahaan ul iyo diir noqda xiliyada adag ee cadowgoodu isku habar wacdo.

Ugu dambeyn waxa dhaqdhaqaaqyada cadowga Somaliland uu ku fashilmi doonaa ulaha boocda ah ee ay ku tukubayaan waxana dhici doonta in Somaliland caalamku garwaaqsado qaddiyadooda oo ay noqdon doonaan laambada iyo ileyska dimuqraadiyadda Geeska Afrika.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this