Cawaale Posted December 17, 2009 i came across this article and though i should share it with you. Maleeshiyaadka Xisbul Islaam ayaa 13kii Dec 2009ka ka geystay Magaalada Afgooye Xadgudubyo iyo falal naxdin leh oo aan Diinta islaamka Shuqul ku lahayn, Waxaana ogaanay in arintaas ay u sameeyeen Raali galinta Cadowga umada Soomaaliyeed. Xisbul Islaam oo ka mid ah kooxaha khawaarijta ee gumaadka ku haya Shacabka Soomaaliyeed ayaa ku kacay fal la oran karo Shaamow2 kadib markii ay si bareer ah oo dulmi ah ku dileen laba nin oo masaakiin ah halka gabar kale oo da´yar ay ka dharjiyeen karbaash, waxaa intaas kasii foolxun in falalkaas laga dhigay kuwa diintu ogoshahay sida fulinta Xuduudaha Allah. Dilka arxandarada ah ayaa la huwiyey shaati Diin, waxaa is weydiin mudan Diinta Islaamka maxay ka qabtaaa in koox khawaarij ah oo gacan ku gabad ah ay dadka ku xasuuqaan magaca Diinta Islaamka? Marka hore waxaa haboon cidkasta in ay ogaato oo rumayso in Xuduudaha Allah oo la fuliyaa ay kamid tahay Diinta islaamka sida in dhagax lagu dilo qofkii sinaysta oo horay usoo maray guur, kii aan u soo marinna 100 karbaash la qabadsiiyo. Marka aan taas ka soo gudubno Dilalka sharci darada ah ee kooxaha khawaarijta fuliyaan ayaa ka yaabiyay Culumada Islaamka dhamaan iyo dadka diinta wax ka yaqaan iyo waliba kuwa aan wax ka aqoonba. Waxaan qofkasta ka qarsoonayn in Soomaaliya aysan maanta ka jirin wax sharci iyo kala danbeyn ah, wadankuna ku sugan yahay Xaalad jahwareer iyo kala guur marka laga reebo dhowr gobol oo nabdoon. Yaa Khawaarij u xilsaaray fulinta Xuduudaha Allah? in ay fuliyaan iskaba dhaafee waxey diintu na fartay in ayaga lagu jihaado hadii awood loo hayo. Sida aan horay u soo sheegnay Wadanka kama jirto dowlad hanatay maamulkiisa guud, arimaha noocan oo kalana waxaa fulin kara Dowlad quwad leh oo gacanta ku haysa talada wadanka oo dhan. Marka laga soo tago in dowladu xaq u leedahay fulinta Xuduudaha Allah ayaa hadana waxaa jira hab loo maro dacwo ku soo oogida, mana ahan in qofkii la iska soo qabto isla markiiba lagu fuliyo xadkii. Waxaan la soconaa in aysan ahayn arin sahlan Naf muslim ah oo la dilo waxaana arintaas u xilsaaran Hay'ado iyo Culumo waaweyn oo Alle u dhamaystiray Cilmi iyo Caqli, waxaa qofka la mariyaa baaritaano kala duwan iyo maxkamado kala daraja duwan, waxaana dhacda in mararka qaar la isticmaalo baaritaano casri ah Sida DNA-da iyo in la baaro qofka In maskaxdiisu caadi tahay iyo in kale. Dowladaha fara ku tiriska ee fuliya Xuduudaha ayay ku qaadataa sanado badan in ay fuliyaan hal xad ilaa laga sal gaaro oo waxkasta oo shaki keeni kara la suuliyo, waxaana marar badan dhacda in la sii daayo eedeysanayaal aan tiro koob laheyn maadaama aan lagu helin wax cadeyn ah oo ay ku muteysan karaan dil iyo ciqaab kaleba. Maxkamadaha Khawaarijta Al-Shabaab iyo Xisbul islaam ayaa ah kuwa noocooda oo kale aysan ka jirin aduunka oo cid walba oo ay eedeeyaan ma badbaado isla markiina waxaa lagu xukumaa dil iyo ciqaabo kale oo adag. Waxaa la yaab ah in Maleeshiyaadka soo qabtay labada nin iyo gabarta ay yihiin Xisbul Islaam, ninka qaadiga isku sheegayma uu yahay Xisbul islaam ninkaasoo aan la aqoon diintiisa iyo cadaaladiisa iyo heerka aqoontiisu gaarsiisantahay, kuwa dhagaxa ku dilayana ay yihiin isla Xisbul islaamka. Arrintaas ayaa ah mid aad uga fog Cadaalada iyo Garashada bani Aadamka waayo waxaa laga maarmaan ah in qofku haysto fursad iyo Sharci yaqaan arintiisa gala, waa in ay jiraan jihooyin ka madaxbanaan Xisbul islaam oo sal iyo raad u baara arrinta lagu eedeeyay masaakiintaas. Sidoo kale Waxaa waajib ah in la yaho Afar Marqaati ah oo cadaalad ah kuwaas oo arkay xubinta taranka ninka iyo naagta oo isku dhexjira, hadii taas la waayo ma jirto wax xad ah ama rajmin ah. Kuma filna in la arkay ninka iyo naagta oo qaawan oo korka iska saaran hadii aysan labada alaab is dhexgalin, socon meyso way baashaalayeen ama wey wada jiifeen. Haduu qofku qirto ama labadooda mid ka mid ah uu kan kale ku eedeeyo la isuma qabanayo ee waxaa loo baahanayaa cadeymo iyo baaritaano lagu xaqiijinayo arintaas. Habdhaqankii Nabiga SCW maaheen sida kooxahan sameeyaan ee Nabiga SCW dadka u yimaada oo qirta ficilada waajibiya xadka isla markiiba kuma uusan fulin jirin xad, balse waxaa dhacday in uu ka sii jeesan jiray oo inkiri jiray markuu qofku yiraahdo xadkaas ha la igu fuliyo ayuu haddana dadka weydiin jiray in ninka maskaxdiisu taam tahay iyo in kale. Sidaas ayuu Suubanaheenii naxariista badnaa ula dhaqmi jiray dadka, Maanta waxaa soo baxay kooxo Khawaarij ah oo dadka ku xasuuqaya Magaca Jihaadka, Fulinta Xuduudaha iyo guud ahaan ku dhaqanka islaamka. Diintu bari ayay ka tahay foolxumada ay muslimiinta kula kacayaan, arrimaha ay faraha la galeena maaha kuwa ayaga loo dirsaday ama loo xilsaartay, waa arrimo fulinteeda ay leedahay Dowlad ku awood ah tii Siyaad Barre ee Soomaaliya oo dhan u talisay. Ma ahan in qofkasta oo hubqaata uu yahay qaadi iyo dowladii wax fulinaysay, kooxaha caadeystay ficilada noocan ah ayaaba ah in ayaga maxkamad la soo saaro oo laga qisaaso wixii ay xasuuq geysteen inkastoo aan la heyn dowladii la xisaabtami laheyd. Kooxaha islaamiyiinta ee Soomaaliya ka jira ayaa kun mar ka liita qab-qablayaashii Muqdisho soo maray, sababtoo ah kuwan ficil kasta oo xun waxey uga been sheegaan Diinta islaamka halka kuwaas aysan ku been abuuran jirin diinta. Xisbul Islaam oo aan horay u tijaabin rajmi beeneedka ay diinta u saariyeen ayaa arrintan ku raali galinayaa kooxda kale ee ka sii arxanka daran ee horay dhalinyaradii kaga dhigtay mid ay disho iyo mid ay naafeyso. Waxaa la aaminsanyahay in ay ahayd dhoola tus siyaasadeed ujeedka ka danbeeyana uu yahay in Al-Qaacida Iyo Shabaabka la tuso in Xisbul islaamna saan oo kale sameyn karo. Foolxumada Afgooye ka dhacday ninka gar naqeenka ka ahaa ayaa saxaafada u sheegay in Masaakiinta ay laayeen qirteen dambiga lagu soo eedeeyay! Waxba ka ma jiraan in ay qirteen danbiga lagu oogay,dadkaasna waxaa lagu qasbay in ay qirtaan kadib markii jirdil lagu sameeyay. Maleeshiyaadka Xisbul Islaam ayaa isku khilaafay fulinta arinkan waxaana dhacday in kooxdii ka soo horjeesatay in la fuliyo laga dilay saddax askari dabadana looga dhacay. Khilaafka Maleeshiyaadka Xisbul Islaam ee ku aadan fulinta dilkaa ayaa daliil cad u ah in dacwad been ah lagu soo oogay si xaqdarra ahna loogu dilay Dhagax Muwaadin Muslim Maskiin Soomaaliyeed ah halka mid kalena rasaas baas ah madaxa looga furay, gabartii yareedna karbaash lala dhacay. Haday fulinta xuduuda ka tahay diin iyo shacri fulin waxaa magaalada dhaxmaraya nimankii laayay Saraakiishii Xisbul Islaam kuwaas oo ka tirsan Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaga ayaa ku haboonaa in la qisaaso oo madax laga jaro. Lakiin taas ma dhicin oo dhaqanka Xisbul islaam ku kacay ayaa ah kii lagu yaqaanay Yuhuudii hore kuwaas oo masaakiinta kaliya ku fulin jiray Xuduudaha Allah, dadka xooga iyo darajada lehna dhaafi jiray. Waxaa marag madoonto ah in Xisbul islaam kalhore qabteen Maleeshiyaad ka tirsan Shabaabka oo falal xun ka sameynayay degaanka Afgooye balse markii la ogaaday in ay Shabaab yihiin ayaa la sii daayay, ileen sharcigu shabaab ma qabtee! Xisbul Islaamka fuliyay Dilkan foosha xun ayaa laba bil kahor sii daayay gaal faransiis ah kadib markii ay ka qaateen lacag madax furasha ah. Cajiib Muslimiintiina waxaa lagu dilayaa dhagax, gaaladiina inta la xanaaneeyo ayaa lacag madax furasha ah lagu qaadanayaa, diinta qabtaa waa tee? Gaalkii Faransiiska ahaa ee ay sheegeen in uu jaajuus ahaa sidaas ayaa loola dhaqmay, Muslimka aan dambiga laheyna saas ayaa lagu abaal mariyay. Ha la ogaado in arrintu aysan diin aheyn oo xataa hadii ay qaban lahaayeen Bush uma aysan quureen hal karbaasha iskaba dhaafee dil iyo ciqaab kale. Yaan dadka lagu beerlaxawsan in la diidan yahay ku dhaqanka iyo fulinta shareecada islaamka ee waxa la diidan yahay waa foolxumada khawaarijtu ku kaceyso ee aan booska ku laheyn Diinta islaamka iyo dhaqan kasta oo wanaagsan. Kooxaha Islaamiyiinta iyo cid kaleba xaq uma leh in ay u qumaan arin aysan shuruudeeda oofin, waana meel uga dhac diinta Allah iyo xuquuqda Muslimiinta, waxaana masuuliyada arinkaas dusha u ridanaya dadkii ka danbeeyay iyo cid walba oo ku taageertay amaba ka aamustay ayagoo awood leh in ay ka hadlaan. Mar kale waxaan hoosta ka xariiqeynaa in labadaas Marxuum lagu dilay dulmi ee aan lagu dilin diin, gabarta yarna gardarro lagu karbaashay. Inta Allah abuuray waxaa ugu shar badan khawaarijta ee hala ogaado taas, suuragalna maaha in dadka kuwii ugu sharta badnaa ay yiraahdaan waxaan fulineynaa Xuduudaha Allah. Waxa afgooye ka dhacay dhinac kasta marka laga fiirsho lama helayo meel laga soo galiyo Diinta islaamka, waa arrin laga helayo qaamuuska khawaarijta oo kaliya sidaa darteed ummada soomaaliyeed waa in ay diidaa qaladka lagu sameynayo intooda masaakiinta ah. Anonymous writer. Quote Share this post Link to post Share on other sites