Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Isgaadhsiinta Masuuliyiin ka tirsan Hay’adda EUCAP

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Isgaadhsiinta Masuuliyiin ka tirsan Hay’adda EUCAP
IMG-20240131-WA0010.jpg

IMG-20240131-WA0009.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL Mudane Dr. Axmed Yusuf Idiris ayaa la kulmay Maamulaha Mashaariicda Hay’adda EUCAP Mr. Brendan KENNY iyo Saraakiil kale oo ka tirsan EUCAP.

Kulankan oo ay ujeedadiisu ahayd is xogwaraysi ku saabsan sidii loo horumarin lahaa wada shaqaynta Wasaaradda Isgaadhsiinta & Hay’adda EUCAP, laysagana kaashan lahaa arimaha Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda.

Wasiir Dr. Ahmed Yusuf Idiris ayaa madaxda Hay’adda ku bogaadiyay wada shaqaynta wanaagsan ee ay la leeyihiin guud ahaan Somaliland gaar ahaana Ciidamada Ilaalada Xeebaha Badda JSL. Iyadoo Wasaaraddu kala shaqayndoonta horumarinta dhinaca Isgaadhsiinta & Tiknoolajiyadda ee ciidamada badda JSL.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this