Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: NISA oo shaacisay magacyada 6 horjooge oo ay soo afjartay, kuna hawlanaa…

Recommended Posts

Deeq A.   
NISA.png?fit=3155%2C2081&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka ee NISA ayaa shaacisay inay soo afjartay nolosha 6 horjooge oo muddo dheer ku hawlanaa uruurinta baadda shacabka Soomaaliyeed.

Hay’adda NISA oo kaashanaysa saaxiibada caalamka ayaa howl-galkaan ka fulisay deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan, kaasi oo lagu dilay horjoogeyaasha lixda ah ee ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab.

Lixda horjooge ee la soo afjaray noloshooda ayaa waxaa la beegsaday xilli ay ku safrayeen labo gaari kadib markii ay ka imaadeen deegaanka Buq-aqable, sida ay shaacisay NISA.

“Howl-galkaan ayaa lagu guulaystay in lagu soo afjaro horjoogeyaal lagu raad joogay, kuwaasi oo muddo dheer ku howlanaa dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka hay’adda NISA.

“Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida Qaranka waxaa markasta ka go’an in ay meel kasta ku beegsato cadowga Khawaarijta ah re ku howlan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.”

Lixda horjooge ee la dilay ayaa waxay kala yihiin;

1. Cismaan Cali Cabdi (Caanooy) oo ahaa horjoogihii baadda shacabka u qaabilsanaa Al-Shabaab degmada Jalalaqsi.

2. Buulle Kabey oo ahaa horjoogihii gaadiidka Al-Shabaab ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

3. Maxamed Abuukar oo ahaa horjoogihii baadda shacabka ee deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan.

4. Cabdisalaan oo ahaa horjoogihii baadda shacabka ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

5. Macalin Yaasir oo sidoo kale loogu yeero Saabir oo boono-jare ka ahaa Isbaaradda Al-Shabaab u taalla deegaanka Shaw ee gobolka Hiiraan.

6. Macalin Aadan Fanax waxa uu ahaa xubin ka tirsan qeybaha baadda iyo boobka dhaqaalaha shacabka ee Al-Shabaab.

421925660_860328209467120_95169953589686

421909937_860328206133787_73339147068586

The post DEG DEG: NISA oo shaacisay magacyada 6 horjooge oo ay soo afjartay, kuna hawlanaa… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this