Cowke Posted May 29, 2010 GAROOWE: M/kuxigeenka Puntland oo Maanta Xariga ka Jaray Safaarad ay ku Yeelaneyso Dowlada Ethopia Puntland.(SAWIRO) Posted to the Web May 29, 08:33 Garoowe: (pp)- waa markii ugu horaysay ee dowlada Ethopia ay safaarad ka furato deegaanada puntland waxaa maanta xarunta wasaaradda haweenka iyo arimaha qoyska dowlada puntland lagu qabtay xaflada balaaran oo xariga looga jarayo safaarada cusub ee Ephopia ay ku yeelaneyso deegaada puntland gaar ahaan caasimada puntland ee Garoowe. Musaasamadaan xariga looga jarayo safaarada ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan dowlada puntland gaar ahaan madaxwayne kuxgeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire xubno ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka,Odayaal dhaqmeedyo, wasiiro ,xunbo ka socday dowlada Ethopia iyo qaybaha kala gadisan ee bulshada rayidka. Mr Asmalaash oo ah madax qusiliyada u fadhiya Ethopia dalka somaliya, ayaa halkaas ka oo jeediyey warbixin iyo hambalyo uu uga wado Dowlada Ethopia puntland madaxdeeda sare, waxaana uu sheegay in safaaradaani ay tahay tii ugu horaysay ee laga furo deegaada puntland oo ay leedahay Ethopia taas oo wax wayn ka qaban doonta xiriirka labada dal ka dhexeeya gaar ahaan xiriirka dibada iyo ganacsigaba. Sidoo kale waxaa uu sheegay mr asmalaash in munaasamadaan lagu xusayo doorashadii afraad ee ay ku guulaystaan xibiga talada haya ee RDPF taas oo si dimuquraadiyada uga dhacday dalka Ethopia, isagoo sheegay in ay u hambalynayaan guulaha laga gaaray doorashada dalka itoobia ka dhacday. Wasiirka qorshaynta iyo iskaasha Caalamiga Daa'uud Maxamed Cumar ayaa makarafoonka ku soo dhaweeyey Madaxwayne kuxgeenka ahna sii hayaa xilka madaxwaynaha puntland Gen. Cabdisamad Cali Shire ayaa si rasmiya xariga uga jaray munaabamadaan lagu furayo safaarada Ethopia ay ku yeelaneyso deegaanada Puntland gaar ahaan Caasimada Garoowe waxaana uu M/kuxigeenka intaas ku daray in madaxda dalka Ethopia ay uga yimaadeen fariimo isugu jira hambalyo iyo salaamo ayna taas mid leeg ay u dirayaan. dhanka kale waxaa uu M/kuxigeenku sheegay in safaaradaani ay wax wayn ka qaban doonto xiriikii isku socodka safarada dalka Ethopia iyo puntland oo ah laba dal oo xiriir wanaagsan ka dhexeeyo taas oo ahmiyad u leh shacabka reer puntland oo horay ugu dhibtoon jiray iney si fudud u galaan dalka Ethopia. M/kuxieenka Puntland ayaa sidoo kale hambalyo u diray shacabka reer Ethiopia gaar ahaan xisbiga talada ku guuleystay oo si dumuqraadiyada uga hir galiyey Ethiopia doorasho xora ah, taas hogaamin doono Melan Sanawi oo ah nin wax wayn kala socda xaalada soomaliya. Ugu dambayntii M/kuxigeenka ayaa kormeer ku tagay xarunta safaarada cusub ee maanta xariga laga jaray isaga oo ay si wayn ugu soo dhaweeyeen xubno ka tirsan masuuliyiinta Dowlada Ethopia u fadhiya Safaarada gaar ahaan Mr Asmalaash oo ah madax qusiliyada u fadhiya Ethopia dalka somaliya. Siciid Cabdisalaan Siciid Wakiilka Puntlandpost-Garoowe E-mail loole15@hotmail.com DARWISHMAN With Ethiopia Flag :eek: Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted May 29, 2010 Garoowe:(Allpuntland)-Dawlada wadanka Ethiopia ayaa maanta si toos ah waxay magaalada Garoowe ee Caasimada dawlada Puntland ka furatay Qunsuliyuad rasmi ah oo ka shaqeyn doonta xiriirka labada dhinac & sahlida howla Ganacsi,Safar & wadashaqeyneed ee labada xukuumadood,waxaana ay Ethiopia ku dhawaaqday inay safaaradani waxbadan oo shaqo ah ka qaban doonto caasimada Puntland. furitaankii Safaaradan oo ay kasoo qeybgaleen wasiiro badan oo kasocda dawlada Puntland & Madaxweyne xigeenka Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed,ayaa waxaa sidoo kale joogay safiirka cusub ee Ethiopia u joogi doona Puntland & saraakiil sar sare oo katirsan wasaarad Arimaha Dibada ee dawlada Ethiopia oo safaradan sida toos ka ah u furtay. Wasiirka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah ee dawlada Puntland ayaa kamid ahaa wasiiradii maanta Xafladii furitaankii safaradan hadal kooban kasoo jeediyey,wuxuuna sheegey in Shacabka reer Puntland ay aad u anfici doonto safaarada Cusub ee ay Ethiopia ka furatay magaalada garoowe ee Caasimada Puntland,wuxuuna sheegey in uu rajeynayo inay waxbada ka badai doonto xiriirkii labada dhinac ayna fududayndoonto dalkugalka Ethiopia oo imika ay aad u adagtahay in lahelo. Safiirka uqaabilsan Ethiopia deegaanada Puntland ayaa isna halkaas ka hadlay,wuxuuna sheegey inuu salaan khaas ah uu shacab weynaha & dawlada reer Puntland uga wado Wasiirka Arimaha dibada ee wadanka Ethiopia Atto,Siyoum Musfin & madaxda wadankaas,waxaana uu sheegey inay madaxdaasi ay ku faraxsan yihiin furitaanka safaaradan,wuxuuna sidoo kale safiirku sheegey in ay Ethiopia markasta wanaajinayso xiriirka reer Puntland & iyaga ka dhaxeeya. Madaxweyne Xigeenka dawlada Puntland ee Soomaaliyeed isla markaasna ah kusimaha madaxweynaha Puntland Gen,Cabdisamed Cali Shire ayaa isna maanta xafladaas ka hadlay,waxaana uu sheegey in Puntland ay ku faraxsantahay in safaarada oo si rasmi ah xariga looga jaray,madaxweynuhu wuxuu sheegey in ay Salaanta ay soo direen madaxda Ethiopia mid lamid ah u dirayaan,wuxuuna u hambalyeeyey xisbiga E.P.R.D.F oo dhawaan markale ku guulaystey doorashadii Ethiopia isla markaasna u dabaaldagaya sanadkii 20-aad ee kasoo wareegey waqtigii ay xilkan ka qabsadeen maamulkii ka horeeyey oo ay si awoodi ku jirto uga qaadeen talada wadanka Ethiopia. Xaflada oo bilowgeedii hore ay ka dhacday Aqalka wasaarada Qorsheynta ee Puntland,ayaa dhamaan madaxdii kasoo qeybgashay xaflada & shacab weyne aad u badan waxay lug ku tageen Aqalka safaarada ay Ethiopia ka dhigatay halkaas oo uu madaxweyne xigeenka Puntland xariga ka jaray,waxaana ay Ethiopia labadiisano ee u danbaysay saraakiil dhanka amaanka ahi u joogeen magaalada garoowe ee caasimada Puntland,balse maanta ayey si rasmi ah ugu dhawaaqday inay safaarad ka furatay caasimada Puntland ee Garoowe. Cabdiqani Xayir Allpuntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
B_A_L_L_E_R_Z Posted May 29, 2010 Puntland sold its pride and dignity to ethiopia for cheap. the funny thing is your "Ceeb" should be hidden not praded out there in the streets like its independance day Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 29, 2010 Great timing. Quote Share this post Link to post Share on other sites
AfricaOwn Posted May 29, 2010 Good job garowe. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 29, 2010 Somaliland & Puntland kilil 6 & 7 Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 29, 2010 ^^ its all in your imagination Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 29, 2010 classic dhabal!lif answer Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted May 29, 2010 Che, worry about the ugandans and burundis in mogadishu sxb instead of somaliland iyo puntland which is far far away from your imaginations. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 29, 2010 different sides, same coin unless your dhabal!l!f mind lacks any common sense which from the looks of it, I bet it does. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted May 29, 2010 Che, there is many dh.abo!!!!!f in mogadishu why do you think there is always foreign troops there? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted May 29, 2010 Che Puntland is a regional state and has Diplomatic ties with The federal republic of Ethiopia,i dont see any problem with that , how ever you confuse Ethiopias political influence in the puntland state with Dhab11ifnimo , and there is also mutual interest like security and commerce Good for puntland Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted May 29, 2010 Xaji, indeed ethiopia offers puntland something che and his folks can't so i don't even know why his crying. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted May 29, 2010 ^But they prostitute themselves. This is rich coming from kid that celebrating death and destruction the other day. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted May 29, 2010 Che, and how is mogadishu any different? atleast puntland is smart enough not to invite troops to destroy their own cities, you see it's all about politics puntland gets more working with ethiopia rather than the useless TFG don't blame puntland blame somalia and sheikh shariff for being a weakling and falling their people. Quote Share this post Link to post Share on other sites