Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliska Hargeysa oo Gacanta ku Dhigay Haweenay Waxyeello u Geysatay Nin Dhallinyaro ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Booliska Hargeysa oo Gacanta ku Dhigay Haweenay Waxyeello u Geysatay Nin Dhallinyaro ah

Hargeysa,(Qaran news)-Ciidamada Booliska magaalada Hargeysa, gaar ahaan Saldhiga xaafada Sheekh Nuur, ayaa gacanta ku soo dhigay eedaysanta Hoodo Cabdi Cali Ina Raaxo Xuseen 28jir oo ku eedaysan inay 26-1-2024 kii xilli Habeenimo ah waxyeello u gaystay Dhibane Caydaruus Cali , waxaanna falkaasi ku wehelinaayay Saddex dumar oo kale oo Ciidanku ku raad-joogo.

Sidoo kale warbixinta ka soo baxday taliska ciidanka booliska Somaliland, ayaa lagu sheegay in Dhibanaha ay Guri ku balamiyeen isla markaana ay nabaro u gaystay , muuqaalna ka duubay iyagoo baraha bulshada ku faafiyay .
Geesta kale waxa warbixinta lagu xusay in Hawlgallo iyo baadhid dheeriya oo Ciidanka Saldhigaasi sameeyay waxa uu kusoo qabtay Hal eedaysane ,halka Saddexda kale Ciidanku ku raad-joogo.

Gaba-gabadii taliska ciidanka boolisku waxa uu sheegay in dhammaantood si deg deg ah loo horgeyn doono sharciga, waxaanu bulshada uga digayaa falalka noocaasa ah ee diinta , dhaqanka iyo anshaxa suubban baal-marsa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this