Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir maalinle ah oo ku saabsan Ammaanka Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Shir maalinle ah oo ku saabsan Ammaanka Hargeysa
IMG-20240130-WA0009.jpg
Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa gudoomiyey kulan ku saabsan amniga Caasimada Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Kulankan waxaa ka soo qaybgalay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka Caasimada iyo laamaha amniga ee Caasimada, sidoo kalena waxaa ka soo qaybgalay kulankan Maayor Kuxigeenka Caasimada Hargeysa, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Agaasimaha Guud ee Amniga iyo Masuulinta kale ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Shirkan muhiimka ah mudadii uu socday waxaa lagu Lafa-guray adkaynta iyo kor u qaadista amniga Caasimadda, iyadoo warbixino laga dhegaystay Gudoomiyeyaasha Degmooyinka iyo Laamaha kale ee Caasimada. Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa faray Gudoomiyeyaasha Degmooyinka in la adkeeyo amniga Caasimadda, sidoo kalena ay laba laabaan dedaalkooda ku saabsan amniga.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this