Sign in to follow this  
Deeq A.

Roma: Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ka wada hadlay Xiisanadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan magaalada Rome ee dalka Talyaaniga ayaa kulan kula yeeshay Madaxweynaha dalka Comoros, Azali Assoumani ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Labada madaxweyne ayaa waxay ka wada hadleen arrimaha gobolka, sare u qaadidda danaha labada dhinac iyo xoojinta dedaallada iskaashi, si Qaaradda Afrika ay u gaarto mustaqbalka leh horumar iyo barwaaqo, iyagoo ku sugan magaalada Roma.

Sidoo kale labada mas’uul ayaa isla qaatay in ay lama huraan tahay dhowridda madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan waddamada xubnaha ka ah Midowga Afrika, si looga mira dhaliyo hiigsigsa iyo horumarka Qaaradda.

Kulanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya mudane, Xasan Sheekh Maxamuud iyo dhiggiisa dalka dalka Comoros, Azali Assoumani ahna Guddoomiyaha Midowga Afrika ayaa ku soo aadaya xilli gobolka ay ka taagan tahay xiisadda Badda.

Madaxweynaha ayaa inta uu ka qeyb galayo madasha taliyaaniga iyo Afrika waxa sidoo kale uu kulamo kale duwan uu la qaadan doonaa madax ka socota qaatadda Afrika, kuwaas uu kala hadlayo xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya iyo xoojinta iskaashiga.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this