Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Daakhiliga oo la Kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Daakhiliga oo la Kulmay Taliyeyaasha Ciidamada Somaliland

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa shir gudoomiyey shirka amniga oo ka qabsoomay Miiska Saraakiisha.

Kulankan ayaa ku saabsanaa dardargelinta iyo xoojinta amniga guud ee Dalka, kulankan waxaa ka soo qaybgalay Taliyayaasha kala duwan ee Ciidamada Qalabka sida iyo Taliyaha Hay’adda Nabadsugida Qaranka.

Kulankan ayaa la iskula qaatay in la adkeeyo amniga guud ee Dalka iyo xuduudaha, si looga diyaar garooba cadow ku taamaya in ay waxyeelaan Qarannimada jamhuuriyadda Somaliland, kuwaasoo ka xun horuumarka iyo guulaha Qarankani ku tallaabsaday.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this