Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha guud ee QM oo ergey cusub usoo magacaabay Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   
Raisedon-Zenenga.jpeg?fit=978%2C694&ssl=

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Raisedon Zenenga oo reer Zimbabwe ah in uu noqdo Ku-xigeenka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Catriona Laing.

Mr. Zenenga ayaa xilkan kala wareegaya Anita Kiki Gbeho oo reer Ghana ah oo dhawaan waqtigii ay ka howl-galeysay dalka uu soo dhammaaday.

Anita Kiki Gbeho ayaa bishii December 30-keedii 2020 loo soo magacaabey inay noqoto ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, gaar ahaan dhanka arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Xoghayaha Guud ee QM António Guterres ayaa uga mahad-celiyey Ms. Gbeho shaqadii iyo dadaalkii ay ku bixisay shaqada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Mr. Zenenga ayaa leh 30 sano oo khibrad ah oo uu kasoo shaqeeyay xafiisyada QM, oo ay kamid yihiin hawl-gallada QM ee Libya, Iraq-Kuwait, Sierra Leone iyo South Sudan, iyo sidoo kale xarunta dhexe ee Qaramada Midoobay

Ergeyga cusub ayaa hadda ahaa ku-xigeenka ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Libya, halkaasi oo uu sidoo kale ka ahaa Kaaliyaha Xoghayaha Guud iyo isu-duwaha hawl-galka Kaalmaynta QM ee Libya (UNSMIL) tan iyo 2020-kii.

Si kastaba, Qaramada Midoobay ayaa sanadihii dambe xoojineysay taageerada Soomaaliya, ayada oo bartamaha sanadkii tegay ee 2023-ka uu Xoghayaha Guud ee QM uu booqashadiisii labaad ku tegay Muqdisho.

The post Xoghayaha guud ee QM oo ergey cusub usoo magacaabay Soomaaliya appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this