Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Xasan oo Safiirka Switzerland kala hadlay Iskaashiga Labada dal

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya, mudane Valentin Zellweger.


Kulanka Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa diiradda waxaa lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Sida lagu yiri qoraal kooban oo ka soo baxay Villa Soomaalia.

Waxaa looga hadlay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo kobcinta iskaashiga dhinacyada muhiimka ah ee caalamiga ah si wax looga qabto caqabadaha la wadaago loona horumariyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Kulankaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli gobolka ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya eek u aadan heshiiskii is-afgarad, madaxweynaha ayaa wadahadal dhexmara ku xiray in laga laabto heshiiska.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this