Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo cod aqlabiyad leh ku ogolaaday codsigii uga yimid madaxweyne Deni

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1706425081473.jpg?resize=720%2C48

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa saaka ogolaaday codsi uga yimid madaxweyne Deni oo ka dalbaday in ay u kordhiyaan wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumadda cusub.

Mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa cod aqblabiyad leh ku meel-mariyay in mudda 30 cisho ah (bil) madaxweynaha loogu daro wakhtiga uu ku soo dhisayo xukuumadda cusub.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Baarlamanka Puntland ayaa lagu sheegay in mudda 30 cisho ah lagu kordhiyay wakhtiga madaxweynuhu ku soo magacaabayo xukuumadda.

“Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa cod aqlabiyad ah Oggol ugu codeeyay codsi Madaxweyne, kaas oo ahaa in muddo 30 cishe la siiyo si uu u soo dhiso Golaha Xukummadda. ( February 28, 2024)” ayaa lagu yiri qoraalka.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo cod aqlabiyad leh ku ogolaaday codsigii uga yimid madaxweyne Deni appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this