Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Waxbarashada oo Qaabilay Wefti kà socda Jaamacada Farsamada Gacanta Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Waxbarashada oo Qaabilay Wefti kà socda Jaamacada Farsamada Gacanta Itoobiya
IMG-20240127-WA0029.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska JSL Dr. Axmed Aadan Buuxane, ayaa qaabiley wefti ka socday Jaamacada Farsamada Gacanta ee Itoobiya, kuwaasi oo maalmihii u danbeeyay hawlo shaqo u joogay dalka Soomaaliland.

Intii uu socday kulanka wasiirka waftiga waxa diirada lagu saaray sidii dawladaha Itoobiya iyo Somaliland ay iskaga kaashan lahaayeen, xagga waxbarashada gaar ahaan farsamada gacanta oo ay itoobiya ku jirto wadamada ugu horeeya qaarada.

Dhanka kale waftiga ayaa kormeer ku tagay dugsiga farsamada gacanta ee magaalada Hargeysa, waxaana ku soo dhaweeyay maamulka dugsiga, waxaaney kormeer ku soo mareen qaybaha kala duwan ee dugsigani ka kooban yahay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this