Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: DF oo tallaabo adag ka qaaday 27 askari oo ka soo baxsaday furimaha dagaalka

Recommended Posts

Deeq A.   
ciidanka-Gor-Gor.jpg?fit=960%2C640&ssl=1

Dhuusamareeb (Caasimada Online) –Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya qeybta Galmudug ayaa maanta lasoo taagay 27 askari oo ka tirsan ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo lagu riday xukuno adag.

Askartaan ayaa ka soo baxsatay furimaha dagaalka, waxaana lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug, iyagoo baxsad u ah deegaano u badan koonfurta dalka oo ay ka soo jeedaan.

Markii laga reebo hal askari oo qori BKM ah oo uu lunsaday loogu diray xukunka xabsiga, dhammaantood waxay maxkamaddu ku xukuntay shan sano ee xabsi ciidan ah.

Askartaan ayaa sheegtay inay u adkeysa waayeen dagaallada, duruufaha yaalla duurka fog iyo furimaha dagaalka, isla markaana ay wajahayaan caqabado dhanka qoysaska ah, taas oo ku kaliftay inay ka baxsadaan furimaha dagaalka.

Shuruucda ciidanka ayaa la waafajiyey kiiska baxsadka ah ee askartaan, sida uu sheegay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qeybteeda Galmudug.

Askarta la xukumay ayaa ka wada tirsan guutooyinka 18-aad iyo 17-aad ee Gorgor, waxaana ciidankii daafaha Muqdisho ka soo bilaabay dagaalka sanad iyo bar ka hor oo hadda maraya magaalada Caad ee gobolka Mudug.

Qaar ka mid ah askarta maanta la xukumay waxay Caad ka soo baxsadeen dagaalkii daraad ka hor halka qaarkood ay soo baxsadeen markii ay dagaalka galeen kadib, balse dhamaantood Dhuusamareeb ayaa ku noqotay meel ay dhaafi waayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa ciidan aad u badan isugu geysay furimaha dagaalka ee gobolka Mudug, kuwaas oo waqti dheer uu ku qaatay dagaalku, taasina waxay keentay in askartu ka baxsato furimaha.

Hoos ka Daawo

The post Daawo: DF oo tallaabo adag ka qaaday 27 askari oo ka soo baxsaday furimaha dagaalka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this