Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda oo Shaacisay inay Dhammaystirtay Manhajka Macaahida Diinigiga ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda oo Shaacisay inay Dhammaystirtay Manhajka Macaahida Diinigiga ah

Hargeysa(Qaran news)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sh.Maxamed Xaaji Aadan Cilmi oo Sheegay in la Dhamaystirey Manhajka Macaahida Diiniga ah
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, oo ka qayb galay Munaasibad xadhiga lagaga Jarayey Mac-hadka Carafa ee Xaafada Xawaadle Caasimada Hargaysa ayaa sheegay in la dhamaystirey Manhajka Macaahida diiniga ah oo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Diyaarisay dhowaana la daabici doono.

Wasiirku waxa uu sharaxaad ka bixiyey muhiimada ay leedahay barashada Diinta Islaamka, waxaanu sheegay in qof kasta oo masuul ah ay waajib ku tahay inuu ka qayb qaato, isla markaana ka shaqeeyo sidii ay u hirgeli lahayd barashada Diinta Islaamka.

Waxaanu yidhi.“Diinteena waxa ku jira Nolosheena oodhan ,sidaa daraadeed barashadeedu waxa ay inoo dhamaystiraysa nolosha aduunyada iyo ta aakhiroba , Diinta oo Jahli laga yahayna waxa ku dayacmaya labada nololood ta aduunka iyo ta aakhiroba “

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu Yidhi :-
“Macaahida badan ee Dalkeena ILLAAHEY Subxaana wa tacaala inooga hir-geliyey waa nasiib gaar ah iyo hadyad gaar ah oo ILLAAHEY xagiisa ka ahaatay oo caalamka Islaamka ee hadda Jira aynaan ku ogayn xaqiiqatan waxa dhici karta in aydaan ka war hayn lakiin waa naxariis iyo nimco ilaahay ina siiyey oo ay tahay in aynu ku faro-adaygno ,cid kasta oo wadana aynu hareeraha la qabano .”

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo awqaafta Somaliland waxa kale oo uu sharraxaad ka Bixiyey in Somaliland gaar ahaan Caasimada Hargeysa ay ku Calaamad-san tahay meel Kitaabka ILLAAHEY kor loogu qaado, waxaanu wasiirku Tusaale usoo qaatay tartanada Qur’aanka Kariimka ee Hargeysa lagu qabto iyo Culimada dunida ugu qiimaha badan ee looga dambeeyo qiraa’aatka Qur’aanka kariimka ayna soo jiidatay dhalinyaradeena dalka ku baratay Quraanka Kariimka.
Wasiirku sharaxaad ka bixiyey manhajka macaahida diiniga ah waxaanu sheegay in la dhamaystirey dhowaana la daabici doono .
Waxaanu yidhi.“Waxaanu samaynay Manhaj dhamaystiraya oo dhamaan macaahida wadanka lagu dhaqi doono ayna ka qayb qaateen Wasiiradii iga horeeyay Wasiir shiikh Khaliil iyo Wasiir Shiikh albaani aniguna iyo Wasaarad ahaan aan doonayo in aanu dhisno oo dhamaystiro ,soona saaraya arday tayo leh sidoo kalena ay ka qayb qaateen Culimada dalka”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this