Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Dhexe ee Xisbiga Haya Talada Itoobiya oo Ansixiyey dhaqan-gelinta Heshiiska Isfaham ee Xukuumaddaha Addis ababa iyo Hargeysa Dhexmaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Dhexe ee Xisbiga Haya Talada Itoobiya oo Ansixiyey dhaqan-gelinta Heshiiska Isfaham ee Xukuumaddaha Addis ababa iyo Hargeysa Dhexmaray

Addis ababa (Qaran news)- Isbahaysiga Xisbiga talada Itoobiya haya ee BARWAAQO, ayaa ansixiyey dhaqan-gelinta heshiiska isfahamka ee Addis Ababa la gashay Jamhuuriyadda Somaliland.

Fadhi ay yeesheen guddida Dhexe ee Xisbiga talada Itoobiya haya ee BARWAAQO, ayaa lagu meelmariyey, sidoo kalena laga soo saaray goʼaan ah, in ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa qaabkii loo fulin lahaa heshiiskii ay Itoobiya la gashay jamhuuriyadda Somaliland. “Iyadoo laga duulayo jihada xisbiga ee ah in Itoobiya u baahan tahay irid baddeed oo la jaanqaadaysa dhaqaalaheeda iyo mujtamaca dadkeeda ee kordhaya, ayaa waxyaabihii ay wax ka qabteen lagu qiimeeyay shirkii golaha dhexe ee Xisbiga Barwaaqo ee Itoobiya.

Sidoo kalena golaha dhexe waxa uu meelmariyey dhaqangelinta heshiiska labada hoggaamiye ku dhex maray Addis ababa.” Ayaa lagu yidhi bayaan uu soo saaray isbahaysiga xisbiga talada haya ee Barwaaqo.

Bayaanka Xisbiga Barwaaqo ee talada Itoobiya haya kasoo baxay, ayaa sidoo kale lagu sheegay, in heshiiskaas ay la saxeexdeen Somaliland uu muujinayo in Itoobiya u taagan tahay, mid sii wadaysa, isla markaana xoojinaysa xidhiidhka soo jireenka ah ee dhaqan dhaqaale ee ay weligeed la lahayd Somaliland.

“Waxaa la soo gunaanaday goʼaan lagu doonayo in laga shaqeeyo hirgelinta heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya, iyadoo dalal kale oo deriska ahna lala yeesho in la is-ogolaado sidii loo aqbali lahaa, fikradda ah in Itoobiya marin baddeed hesho Itoobiya oo ah mid u taagan sii socodka xidhiidhka qotada dheer leh ee weligeed kala dhexeeyay dalalka jaarkeeda ah ee ay jamhuuriyadda Somaliland na kamid ka tahay .” Ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka
Geesta kale, Ra’iisal-wasaare-ku-xigeenkiii, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa si lama filaan ah isku casilay shalay, kadib markii laga qaaday xilkii Guddoomiye-ku-xigeenka Xisbiga BARWAAQO.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this