Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Xirsi oo Shacbiga Somaliland ugu Baaqay inay u Diyaar Garoobaan Isbeddel Khayr leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye Xirsi oo Shacbiga Somaliland ugu Baaqay inay u Diyaar Garoobaan Isbeddel Khayr leh

Hargeysa(Qaran news)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo muddo bilo ah ku maqnaa dalka Ingiriiska ayaa ku soo wajahan Jamhuuriyadda Somaliland.

Guddoomiye Xirsi wuxuu sidaas ku sheegay qoraal uu ku baahiyay bartiisa X (Twitter) waxaanu shacbiga Somaliland ugu baaqay inay u diyaar garoobaan Doorashooyinka loo asteeyay 13ka November ee sannadkan oo uu sheegay in ay naawilayaan isbeddel khayr qaba.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani wuxuu farriintiisa ku yidhi “Waxa aan saaka safar u soo ahay dalkii hooyo, ka dib muddo aan arrimo gaar ah, kuwo shaqada xisbiga la xidhiidha iyo kuwo Qaranka ahba aan u joogay dalka Ingiriiska, kuwaas oo dhammaantood guul ku soo dhammaaday.

Waxa aan guud ahaan bulshada Somaliland ugu baaqayaa wadajir iyo midnimo aniga oo ku boorrinaya in loo diyaargaroobo doorashooyinka astaysan iyo isbeddelka khayrka qaba ee inoo soo socda!”

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this