Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa Caasimada Oo Dhagax Dhigay Dib u Dhiska Biriishka Jabjabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Duqa Caasimada oo Dhagax Dhigay Dib u Dhiska Biriishka Jabjabka
IMG-20240127-WA0013.jpg

Hargeysa(Qaran news)-Maamulka dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa ayaa dhagax dhigay dib u dhiska biriijka Jajabka ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadii dib loogu dhagax dhigaayey Biriijka Jajabka ee magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb galay mas’uuliyiin ka socotay dawladda dhexe, mas’uuliyiin ka socotay dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa,xildhibaano,culimo awdiin,madax dhaqameed iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Waxa ugu horayn halkaas ka hadlay maayirka caasimadda Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge oo ka warbixiyay dhismaha biriijkan, waxa aanu sheegay in ay rejaynayaan in muddo xileedkoodu dhammaado iyada oo magaaladda Hargeysa ay afar biriij oo cusubi u soo kordheen, isaga oo sida oo kalena cadeeyay in ay diyaar la yihiin shaqo kasta oo looga baahdo in ay ka qaataan qaybtooda,gaar ahaana dib u dhiska biriijkan.

Shacabka degan goobta ay mari doonto waddada biriijkani yeelan doono ayuu sida oo kale maayirka caasimaddu u soo jeediyay in ay ka caawiyaan baynaynta goobaha ay waddaadaasi mari doonto,si biriijkaasi u noqdo biriij weyn oo shaqaynaya.

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamed Axmed Caalin (Tiim-baro) ayaa tilmaamay in Biriijka Jajabku uu isbedel ku keeni doono isu socodkii caasimadda Hargeysa iyo suuqa uu mari doono labadaba, isaga oo sigaar ah ugu mahadceliyey dawladda hoose ee caasimadda Hargeysa oo iyadu bixinaysa qayb kamid ah lacagta lagu dhisaayo biriijkaasi,qaybna kala kaashanaysa Midawga Yurub.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this