Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Xirsi oo maalinta barri ah dalka dib ugu soo noqonaya

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo in muddo ah safar ugu maqnaa dalka Ingiriiska ayaa la filayaa in uu maalinta barri ah dalka dib ugu soo laabta.

Guddoomiye Xirsi ayaa qoraal kooban oo ku baahiyay bartiisa Facebook waxa uu ku yidhi sida tan: “Subax wanaagsan!

Waxa aan saaka safar u soo ahay dalkii hooyo, ka dib muddo aan arrimo gaar ah, kuwo shaqada xisbiga la xidhiidha iyo kuwo Qaranka ahba aan u joogay dalka Ingiriiska, kuwaas oo dhammaantood guul ku soo dhammaaday.

Waxa aan guud ahaan bulshada Somaliland ugu baaqayaa wadajir iyo midnimo aniga oo ku boorrinaya in loo diyaargaroobo doorashooyinka astaysan iyo isbeddelka khayrka qaba ee inoo soo socda!”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this