Xaaji Xunjuf Posted January 18, 2010 Jabhda ONLF Oo Dad Shicib ah Ku Laysay Deegaanka Ayqaad Written by Qarannews Jan 18, 2010 at 06:39 AM Daroor,(Qarannews)- Dagaalo ayaa ka dhacay deegaanka Ayqaad oo magaalada daroor hawd kaga beegan, dagalaadaaasi oo kala dhacay laba maalmood oo kala duwan, waxa uu dhex maray deegaanka xagaasi degan iyo jabhada ONLF. Jabhda ONLF, ayaa gaadmo ku soo qaaday deegaankaasi isla markaasina waxa ay si gaadmo ah ku dileen nin isla markaasina waxa ay dhaawac u gaysteen 4 qof oo kale oo ay ku jirto ruux dumar ahi, ninka dhintay ayaa lagu magacaabi jiray marxuun Axmed Yusuf Jamac. Sidoo kale sadexda nin ee dhaawacmay ayaa la kala yidhaa Maxamed Rooble Qaare iyo Maxamed Warsame Geele Lanqash iyo Axmed Jiircaws, dhanka ONLF, waxa goobtaasi gaadmada ah lagaga dilay hal nin oo ay ka yaaceeen isla markaasina laga furtay qorigii iyo rasaastii uu sitay, sidoo kale waxa goobtaasi laga dhaawacay laba nin oo dhaawac cararay, taasi oo dhiigoodii la sii raad raacay sida ay wararku sheegayaan. Sadexda nin ee deegaanka Ayqaad ka dhaawacmay ayaa loo qaaday cisbatal ku yaala magaalada Jigjiga ee caasimada gobolka is maamulka Somalida. Ilaa hada wax war ah oo intaas dhaafsiisani kama ay soo baxin hase ahaatee waxa isna dagaalkaasi gaadmada ah noo xaqiijiyay Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan Xasan, oo ka mid ah salaadiinta beesha Isaxaaq ee Habaryoonis oo noo xaqiijiyay weerarkaasi lay jabhada ONLF ku soo mirtay subax hore oo ay dadku iska hurdaan, suldaanku waxa uu noo sheegay in hada deegaanadaasi ay heegan ugu jiraan sidii ay gardaroooyin kale ay isga caabin lahayd oo kaga yimaada jabhdaasi. Dhowr todobaad ayaa jabhadaasi si xun oo fool xumo ah ay u dishay rag baabuur deegaankaasi meel ka shishaysa raashin geeyay. Waxii war ah ee ka soo kordha kala soco qarannews Last Updated ( Jan 18, 2010 at 06:53 AM ) Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 18, 2010 Jabhada ONLF Oo Weeraro Dhimasho Iyo Dhaawacyo Keenay Ku Soo Qaaday Deegaanada Hawdka Kililka 5aad Ee Itoobiya Hargeysa January 18, 2010 (Haatuf)-Jabhada ONLF ee ka dagaalanta kililka shanaad ee Itoobiya ayaa la sheegay inay habeen hore mireen dadweynaha dagan deegaanka Daba-raqas oo ka tirsan deegaanada Ayqaad ee hawdka kililka shanaad ee itoobiya, oo la sheegay inay ku dileen nin lagu magacaabay Ismaaciil Yuusuf Jaamac kuna dhaawaceen Axmed Tuur-Caws iyo gabadh ka mid ah dadka ku dhaqan deegaankaas. Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka mid ah madaxdhaqameedyada deegaankaas oo wargeyska Haatuf xalay nagu soo booqday islamarkaana nooga xog-waramay xaalada colaadeed ee kasoo cusboonaatay deeganadaasi ayaa iasagu walaac ka muujiyey saamaynta ay ku yeelan karto Itoobiya iyo Somaliland deganaanshahooda. Ugu horayn Suldaan Saleebaan Boqor Cismaan oo ka hadlaya arimahaasi waxa uu hadalkiisii ku bilaabay “waxa aan caawa ka hadlayaa in aan war kusoo kordhay ka waramo, waxa ka dhacay meesha la yidhaahdo Dabaraqas oo ku taala kililka shanaad deegaanka la yidhaahdo Ayqaada dagaal ay soo qaadeen jabhada la yidhaahda OLNF halkaas oo ah deegaan ay dadku yaalaan oo beeshu aad u taalo oo deegaankaasna ay ku taalo magaalada Dabaraqas halkaa waxay kusoo qaadeen dagaal ay waliba xili habeenimo ah oo mir ah kadib halkaa ragbay ku laayeen qaarna waa ku dhaawaceen rag iyo dumarba leh waxa ku dhintay AHN nin la odhan jiray Ismaaciil Yuusuf Jaamac waxa kale oo ku dhaawacmay Axmed Tuur Caws iyo gabadh iyaduna halkaa ku dhaacantay, dagaalkaasi markii uu dhacay ee dhimashadaasi ay dhacday waxa is abaabulay oo qoryohoodii qaatay dadkii deegaankaas iyo beeshii halkaa daganayd oo ah beesha Isaxaaq halkaa waxa warku igu soo gaadhay in maantana (shalay) ay ka dhacay dagaal kale oo kii daba socday habeen hore. dagaalkaa ilaa imika inta aynu ognahay meeshu ma laha isgaadhsiin waa meel kililka shanaad ku taala” “dagaalkaa maanta (shalay) dhacay igaadhsiin la’aan awgeed hadana sida la soo xaqiijiyey oo fooniyayaal si tuugo ah meelahaa lagaga soo hadlayaa ay noo soo sheegeen ninka la yidhaahdo Maxamed Rooble Qaare oo dhaawaciisu aad u culus yahay iyo Maxamed Warsame Geele oo isaguna dhaawacan waxa naloo sheegay labadaa nin dhaawacoodii la soo sido, meeshaas waxa ka taagan dhibaato dagaal oo aad layskugu hub urursanayo. Hadaba waxa aan doonayaa in xaalada dalka kusoo koradhay ee deegaankaasi ka dhacday aan dadka reer Somaliland ku wargalino iyo dhibaatada ay ku hayaan markastaba OLNF shacbiga kililka shanaad waxaynanu hore u wada ogsoonahay in dhimashooyin ay hore gaysteen oo laba nin oo baabuur watay oo nin la odhan jiray Ismaaciil Axmed Jaamac oo waliba meel tuulo ah ay si fool xun ugu dileen iyadoo la wada arkayo arintaasi waa arin dhibaatadeeda leh oo soo noqnoqonaysay muddooyinkan-ba, dawlada Ethiopia iyo Somalilandna arrintaasi waxay u baahan tahay in laga sameeyo gurmad iyo wacyi gelin oo dawlada Itoobiya ay itaalkeeda wax kaga qabato oo ay u gurmato shacbigeeda maalinkasta lagu hor gumaadayo. Dawlada Somaliland-na waxaa meesha ka dhacaa waa wax ina wada saamayn kara, markaa xaalada deegaankaasi ka taagan ee colaadeed ha laga war hayo masuul iyo shacbi-ba si degdeg ahna halooga gurmado dhibaatadaasi OLNF-tu ka wada deegaanadaasi, iyada oo aynu hore u wada ogayn baabuurta faraha badan ee shacbigana lahaa ee ay duhurka cad gubeen dadkii watayna inta badan laayeen” Quote Share this post Link to post Share on other sites
Cowke Posted January 18, 2010 It is funny they never dare attack wardheer citizens!!! They know their will be severe repercussions!!! Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted January 18, 2010 Aqyad residents should respond with heavy weaponaries just like they did with it few weeks ago killing 4 ONLF's. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Duufaan Posted January 18, 2010 This has nothing to do with ONLF. It is clan fighting. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Saalax Posted January 18, 2010 New York is that you? of course it has something to do with ONLF since ONLF can be clanish at times. Quote Share this post Link to post Share on other sites
ANWAR Posted January 18, 2010 Ethnic Somalilanders heeeeee heeeeee AND Ethnic Somalilanders heeee heeeeeee PLEAS DONT YOUS CALN IN SOOL Quote Share this post Link to post Share on other sites
Duufaan Posted January 18, 2010 Quite impresive. The ONFL group do not have any foot whole in much of Republic of somalia. However they have responsive any time they have been attacked. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Sikaawe Posted January 19, 2010 ONLF always practice these hit and run tacts as they have been doing for over 50 years under different names. One thing for sure is that they are a curse to Somalis live in ****** and Reserve Area or Hawd. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaq Posted January 19, 2010 Are ethnic Somalilanders ethnic Somalis? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 19, 2010 ^^ No they are not Ethnic Somalilanders live only in somaliland. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Jacaylbaro Posted January 19, 2010 warkan ma la hubaa ?? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted January 19, 2010 Originally posted by Xaji_Xunjuf: [QB] ^^ No they are not Ethnic Somalilanders live only in somaliland. Ninyahow qabiilkooda isma sheegtidoo instead of playing around with semantics. There's no such as ethnic Somaliland. Midakale, in the spirit of respecting if international, I thought everything beyond boundaries matters little to you.Reer Somaligalbeed are Ethiopians according to you one time, why intermingle with Ethiopian issue? Quote Share this post Link to post Share on other sites
Xaaji Xunjuf Posted January 19, 2010 Che Guevara why not If there is such thing as Ethnic Somali There must Be something called Ethnic somalilander. wa laba qawmiyadood dhankayga. Dadka Somaliland wa isku qawmiyad Dadka Somalia na wa isku qawmiyad. wa sida. Quote Share this post Link to post Share on other sites
Che -Guevara Posted January 19, 2010 ^You are confuse citizenship with ethnicity, all deliberately! N you haven't answer, why intervene with Ethiopian issue anyway? Quote Share this post Link to post Share on other sites