Sign in to follow this  
Deeq A.

Fahad Yaasiin oo shaacinaya ‘xog ku saabsan’ heshiiska Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi

Recommended Posts

Deeq A.   
Fahad.png?fit=1731%2C1003&ssl=1

Muqdisho (Caasimada Online) – Agaasimihii hore ee hey’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa soo saaray qoraal uu si hordhac ah ugu shaaciyey in dowladaha Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta ay wax ka ogyihiin heshiiska badda ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen 1-dii bishaan.

Fahad Yaasiin ayaa sheegay in arrintaan uu dhowr dhinac ka fiiriyey, kadibna ay u soo baxday in Soomaaliya ay heysato “Col ku dhac oo cadow kuu ciidami.”

Wuxuu sheegay in arrintaan uu ka soo saarayo dhowr qormo oo labo ka mid ah uu ciwaan uga dhigi doono “COL KU DHAC OO CADAW KUU CIIDAMI.”

Fahad ayaa horay qormooyin uga soo saaray xiisadaan, isagoo maxaxweyne Xasan Sheekh siiyey talooyin muhiim ah oo damaca Itoobiya uu kaga difaaci karo dalka.

Hoos ka akhriso qoraalka Fahad Yaasiin oo dhameystiran:

COL KU DHAC OO CADAW KUU CIIDAMI

Tallaabo qaadka qaran walba waxaa udub dhexaad u ah saddex xagalka isku xigxiga ee kala ah xog saxan oo xuuraan hubsan soo xanbaaray, faham buuxa oo falanqayn xirfadaysan lagu lifaaqay iyo gaarista go’aan u qalma culayska xaaladda ku hortaagan.

Saddexdaas marka laga faqiiro waxaa ka dhasha cabsi iyo gaabis dhan walba leh, waxaana isku darsama helista danta gaarka ah iyo ilaalinta danta guud.

Markaan aad ugu fiirsaday Is-afgaradkii Badda ee aan sharciga ahayn ee ay kala saxiixdeen Abiy Axmed iyo Muuse Biixi, oo haddana aan eegay dowladeenna yey saaxiib dhaw latahay oo ay garab iyo gargaar degdeg ah ka filan kartaa waxaan garwaaqsaday  inaan soo saaro dhawr qormo oo ay ugu horeyso qormo labo qaybood kala ah oo aan cinwaan uga dhigay (Col ku dhac oo cadaw kuu ciidami) oo aan uga hadli doono doorka muuqda iyo kan qarsoon ee Ismaaciil Cumar Geelle iyo dowladda Imaaraadka.

The post Fahad Yaasiin oo shaacinaya ‘xog ku saabsan’ heshiiska Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this