Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Degmada Sallaxley oo Waxgaradka Kala Shiray Ilaalinta dhulka Danta Guud

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Degmada Sallaxley oo Waxgaradka Kala Shiray Ilaalinta dhulka Danta Guud
IMG-20240125-WA0013.jpg
Hargeysa(Qarannews)-Maamulka dagmada Sallaxley ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah odayaasha deegaanka.
Kulanka ayaa waxa kasoo qayb galay xubno kamid ah golaha deegaanka, Odayaasha iyo waxgaradka deegaanada Qool-cadey, Dhimbiriyaale, Hundulli iyo Raybadka, oo ah deegaanada ku xeeran dhulka danta guud ee Duudka.
Kulankan oo uu maamulka dagmadu u qabtay Odayaasha ayaa ujeedkiisu ahaa sidii loo ilaalin lahaa dhulka danta guud ee Duudka iyo Banka kaasoo umadda ka dhaxeeya iyo sidii looga wada faa,iideysan lahaa.
Mayor-ka dagmada Sallaxley Axmed Buraale Iimaan ayaa odayaasha deegaanka ku adkeeyey ilaalinta dhulkaa danta guud ah iyo inaan la maqli karin, cid gaar usheeganaysa.
Odayaasha deegaanka ayaa dhankooda halkaa ka hadlay iyagoo soo dhaweeyay waxii horumarin iyo dan u ah dagmada.
Waxaana la isla gartay dhulka duudku iyo Banku inuu yahay mid dan guud ah oo aanay sheegan karin cid gaar ah. Qaabka ugu haboona in looga faa’iideysto.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this